Shabaab oo amaro dul dhigay Odayaashii Warshubo ay ka afduubteen

Xoogaga Al Shabaab ayaa amaro dul dhigay Odayaashii ay ka afduubteen deegaanka Warshubo oo ka tirsan Gobolka Mudug, Odayaashaasi oo la geeyay Magaalada Xarardheere ee isla Gobolkaasi.


Amarka Shabaab ay dul dhigeen Odayaashaan ayaa waxa uu ahaa in muddo afar bil gudahooda ah ay ku keenaan dhalinyaro lagu biiriyo Shabaab, si ay uga qayb qaataan dagaalka Shabaab ay kula jiraan Dowladda Somaliya iyo ciidanka AMISOM.
Nin ka gaabsaday magaciisa in la adeegsado, ayaa u sheegay Warbaahinta amarkaasi inay u sheegeen Shabaabka Odayaashaasi oo ku xiran Magaalada Xarardheere.


Waxa uu tilmaamay in weli aanan la soo daynin Odayaasha oo ay u xiran yihiin Ururka Shabaab laakiin kaliya loo sheegay in muddo afar bil gudahood ah laga doonaayo dhalinyaro badan oo lagu biiriyo Shabaab, haddii arintaasi ay sameyn waayaan tallaabo laga qaadi doono.


Sabtidii kowda luulyo 2017 ayeey aheyd markii Odayaashaan Shabaabka ay ka xir xireen deegaanka Warshubo oo dhaca duleedka Degmada Xarardheere, kadib markii Odayaasha ay diideen dalab ka yimid Shabaab oo ahaa inay keenaan dhalinyaro dagaalanta iyo hub intaba.


Shabaabka ayaa xilliyada ay dareemaan culeesaad Militari waxa ay dadka shacabka ah ku qasbaan inay keenaan dhalinyaro iyo qarash dagaalka lagu galo intaba.


Ciidanka Xoogga dalka Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa Gobolka Shabellaha Dhexe ka wada hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab si guud ahaan Gobolkaasi looga saaro.

Duqeyn lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya duqeyn lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay mas’uuliyiin  maamulka.


Gudoomiye ku xigeenka amniga maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad 40 ruux oo isugu jira saraakiil iyo askar ka tirsan Al-shabaab.


Waxaa uu sheegay in la dilay saddex ruux oo ajaanib ah oo mid ka mid ah uu yahay Cadaan, halka labada kalena uu ku sheegay in ay ahaayeen ajaanib ka soo jeeda qaarada Africa.


Deegaanka Kabis oo duqeynta ay ka dhacday ayaa ku dhaw magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, waana deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab.

Page 6 of 6

Subscribe To Our Newsletter