Shabaabka arxanka daran oo Baydhabo wariye iyo xaaskiisa ku dilay 

Kooxda al-Shabaab oo lagu yaqaan xadgudubyada bani’aadannimada ka baxsan iyo ugaarsiga culumada, indheergaradka, dhaqaatiirta, macallimiinta iyo xirfadleyda kale ee Soomaaliyeed ayaa saddex qof oo biri mageydo ah ku dishay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Saddexda qof ee la dilay ayaa ka kooban wariye Daa’uud Cali Cumar oo ka hawlgalayay idaacadda Baydhabo ee magaaladaas, xaaskiisii iyo nin ay qaraabo yihiin oo kamid ahaa indheergaratada magaalada. Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in wariyaha iyo xaaskiisa loogu dhacay gurigooda, laguna dilay, halka  ninka kalena lagu dilay xaafad kale.

Shabaabka Buuraha Galgala jooga oo ku dhawaaqay in ay ISIS ku biireen

Madaxda kooxda al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Buuraha Galgala ee maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaq in kooxdiisu ay ku biirtay ISIS, arrinkaas oo la filayo in uu ka sii diro khilaafkii waayan Shabaabka dhexdooda ka aloosnaa.
Farriin kooban oo uu cajalad ku soo duubay ayuu Sheekh Cabdulqaadir Muumin ku sheegay in isaga iyo maleeshiyadiisuba ay si rasmi ah ugu biireen ISIS, hadda waxii ka dambeeyana ay amarka ka qaadanayaan hoggaamiyaha ISIS, Abu Bakar al-Baghdadi oo xaruntiisu tahay magaalada Raqqa ee wadanka Siiriya.

Dagaal lagu hoobtay oo dhexmaray kooxo ka wada tirsan al-Shabaab

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo labo kooxood oo Shabaabka ka wada tirsan ku dhex maray meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas oo ka dhacay tuulada Raamo oo 30 km dhinaca bari kaga began magaalada Saakow ay bilaabeeni dagaalyahanno ka amar qaata amiirka kooxda al-Shabaab, Axmad Cumar (Abu Cubeydah), kuwaas oo weeraray goob ay isku urursaneyeen maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo la sheegay inay taabacsan yihiin ururka Daacish ama ISIS ee loolanka kula jira al-Qaacida.

Mudaaharaad looga soo horjeedo al-Shabaab oo ka dhacay xeebta Liido

Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaare ku dhow xeebta Liido, halkaas oo dhowaan argagixisada arxanka daran ee al-Shabaab ay ku xasuuqeen arday, haween iyo caruur Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Dadka mudaaharaadayay ayaa watey boorar ay ku qoran yihiin erayo liddi ku ah, laguna cambaareynayo argagixisada. Haween iyo dhalinyaro ka hadashay goobta mudaaharaadka ayaa  shacabka ugu baaqay in ay isku dhuubnaadaan si looga adkaado kooxdan dhiigyacabka ah.

Argagixisada arxanka daran ayaa habeen Jimco ah weerar waxashnimo ah ku qaaday maaqaayad ku taala xeebta Liido xilli dhalinyaro intooda badan imtixaanadkii jaamacadaha u soo idlaaday ay nasiino u soo doonteen halkaas. Hooyooyin badan iyo caruurtooda ayaa iyaguna goobtaas ku sugnaa si ay maalinta fasaxa ah ugu nastaan, balse waxaa taas u badalay argagax iyo xasuuq lama filaan ah oo ay Shabaabku muddo soo maleegayeen.  

Galmudug oo soo afjartay dagaalladii ay la gashay firxadkii al-Shabaab

Ciidamada maamul-goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay soo gunaanadeen dagaalladii ay maalmihii u dambeeyay kula jireen kooxo ka tirsan al-shabaab oo Puntland lagu soo jabiyay.

Afhayeen u hadlay maamulka ayaa xaqiijiyay in howlgalkii ay ciidamadu ka wadeen deegaannada Af-barwaaqo, Diinooda, Towfiiq iyo Gal-hagoog la soo gunaanaday, si weynna loo jabiyay firxadkii al-Shabaab ee soo galay degaannadaas kadib markii lagu jabiyay dagaallo ay argagixisadu la gashay ciidamada maamul-goboleedka Puntland.

Afhayeenka Galmudug ayaa sheegay in 110-maxbuus ay ka qabteen kooxihii ay dagaallameen, sidoo kalena ay ku dileen dagaallada illaa 115 ruux oo kale, iyadoo dhimashada iyo dhaawaca dhanka ciidamada maamulku uu fara ku tiris uun ahaa. 

Page 5 of 6

Subscribe To Our Newsletter