Shacabka oo sheegay in argagixisadu aysan hakin karin horumarka dalka

Shacabka Soomaliyeed ayaa u arka in qaraxii ay Shabaabku la beegsadeen hotel ay deganaayeen wafdi horudhac ah oo ka socda dalka Turkiga uu ahaa mid lagu hungoobay oo aan marnaba hakin doonin horumarka dalka.

Argagixisadii weerarka geysatay ayaa iridka hoteelka gudbi waayay oo isla meeshaas ayaa lagu toogtay. Sidoo kale, kuwii soo abaabulay weerarka uma suuroobin in ay cabsi geliyaan saaxibada Soomaliya, waayo socdaalkii Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan sidii loogu talo galay ayuu ku dhacay, waxuuna furay dhawr mashaariic oo dardargelinaya horumarka dalka, sida madaarka cusub ee Aadan Cadde, isbitaalka casriga ah ee Digfeer iyo kuwo kale oo daliil u ah in Soomaaliya ay tubta nabadda iyo horumarka cagta saartay.

Taliyehii hore ee sirdoonka al-Shabaab oo kooxda ugu baaqay in ay is dhiibaan

Hoggaamiyihii hore ee amniyaatka al-Shabaab, Zakariye Ismaaciil Axmed Xirsi, ayaa kooxda ugu baaqay in intay goori goor tahay ay dowladda isku dhiibaan.

Mar uu la hadlayay saxaafadda Muqdisho ayuu Zakariye sheegay in al-Shabaab ay burburtay, sidaa daraadeed waxaa la gaaray waqtigii dhalinyarada la soo qalday ay hubka dhigi lahaayeen, dadka iyo dowladdana ay cafis waydiisan lahaayeen. Waxuu sheegay in si fiican loola dhaqmay markii uu is dhiibay, sidaas si la mid ahna ay kuwa isi soo dhiiba ay ka filan karaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Al-Shabaab oo ka masayrsan Boko Xaraam iyo Daacish

Kooxda al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay ka masayrsan tahay argagixisada caalamiga ah ee warbaahintu aad loogu soo qaato, iyadoo Shabaabka wax hadal haya aysan jirin maadaama dalka intiisa badan laga xorreeyay, madaxdooda inta badan la laayay.

Haddaba si kooxda al-Shabaab ay isu muujiso, adduunkana u tusto in ay la mid tahay argagixisada waaweyn, sida Boko Xaraamta Nigeria iyo Daacishta Ciraaq iyo Siiriya, ayay waxay dhowaan soo saareen hanjabaad ah in ay weerari doonaan xarumaha laga dukaamaysto oo ku yaalla dalalka reer-galbeedka, sida Mall of America oo ku yaala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka iyo West Edmonton Mall ee ku yaalla gobolka Alberta ee dalka Kanada.

Hoggaanka al-Shabaab oo isku qilaafsan ku biiridda Daacish

Muran xoog leh ayaa soo kala dhex galay hoggaanka sare ee al-Shabaab kaas oo ku saabsan in ay kooxdu ka sii mid ahaato al-Qaacida ama ay ku biirto ururka Daacish ama ISIS.

Koox uu hoggaaminayo Mahad Karate oo ah madaxa sirdoonka al-Shabaab iyo rag kale oo ajnabi ah ayaa u ololeynaya ku biiridda ISIS, halka kuwo kalena ay aaminsanyihiin in arrinkaasi uu dhibaato hor leh kooxda u keeni karo. Mahad Karate oo ah nin xukun jaceyl uu dardaray ayaa sababta kaliya ee uu u rabo in kooxdu ku biirto ISIS ay tahay in uu saaxiibo ajnabi kasbado si uu mucaaradkiisana uga takhaluso, una hanto amiirnimada kooxda al-Shabaab.

Firxadkii al-Shabaabe ee Kudhaa laga qabsaday oo wali lagu raadjoogo

Taliyaha ciidanka maamulka Jubbaland General Aadan Koojaar ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan firxadkii al-Shabaab ee dhowaan laga qabsaday jasiiradda Kudhaa oo 150 km dhinaca koonfur uga beegan magaalada Kismaayo.

Maleeshiyadii al-Shabaab ee ku sugnayd deegaanka Kudhaa ayaa xilli habeennimo ah ka baxsaday jasiiradda kaddib markii duqaymo cirka ah loo geystay saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaankaas. Intaa kadib ayay ciidamada maamulka Jubbaland oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gudaha u galeen, lana wareegeen gacan ku haynta degaankaas.

War laga naxo oo laga soo sheegay ninkii weerarka Garissa hogaaminayay

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed, ninkii hagayay weerarkii lala beegsaday Jaamacadda Gaarisa ee lagu dilay in ka badan 140 arday, 70 kalena lagu dhaawacay, ayaa la sheegay in uu dhalay oday ka tirsan madaxda dowladda ee gobolka Mandera.

Waxuu dhigan jiray Dugsiga Sare ee Wamy, halkaas oo uu buundo sare ku baasay. Kadib waxuu u gudbay kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Nairobi. Ma uusan dhameysan tacliintiisa jaamacadeed oo waxaa seejiyay daroogo iyo tumasho, taas oo sababtay in uu qaado cudurka HIV/AIDS ee halista ah.

Intii uu jaamacadda dhiganayay ayaa mar xabsiga la dhigay kadib markii lagu qabtay isagoo daroogo ka iibinaya ardayda, laakiin reerkiisa ayaa xabsiga ka soo damiintay.  

Page 4 of 6

Subscribe To Our Newsletter