Munaafaqnimada Shabaab oo lagu ogaaday xarun caafimaad ay fureen

Kooxda dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab waxay dhawaan shaacisay in magaaalada Jilib ay ka furtay xarun loogu talo galay ka hortagga faafidda cudurka COVID-19.

Wax faahfaahin oo kasoo baxay furista xaruuntaas iyo inta qof ee lagu hayo ma lahan laakiin waxaa muuqda in Shabaab haatan ay ogaadeen in cudurkaasi halis yahay. Wuxuu ururku isu dayayaa inuu u ekaado mid eegayo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Go’aankan cusub waxay kooxda ku shaacisay baraha afkooda ku hadlaan, iyadoo ay u sheegeen dadweynaha inay imaadaan xarunta haddii ay isku arkaan astaamaha cudurka COVID-19.

Waxaase layaab leh in koox laga bartay xasuuqa dadweynaha Soomaaliyeed ay maanta isu ekeysiiso mid eegeyso danaha shacabka. Sida la ogyahay kooxda al-Shabaab howshooda guud waa xasuuqa shacabka Soomaaliyeed. in isla kooxda looga bartay xasuuqa shacabka inay furaan xarun loogaga hortagayo cudur waa arrin aad loola yaabo.

Waxaa loo maleynayaa oo dadka ka faallooda arrimaha amniga ay aaminsan yihiin in kooxda ay raaadineyso taageero siyaasadeed kuwaasoo aysan haysan haatan maaddaama ay dad badan fahmeen ujeeddooda.

Goobaha ay Shabaab ka arrimiso ma lahan waddooyin iyo adeeg bulsho inna ha yaraatee. Waddooyinkii iyo xarumihii caafimaad dhammaan iyaga ayaa burburiyeen. Xarumaha caafimaad ee haatan ka jiraan Soomaaliya intooda badan waa kuwo ay maaamulaan hay’adaha samafalka kuwaasoo had iyo jeerba weerarro kala kulmaan al-Shabaab.

Waxaa intaasi sii dheer in kooxda ay hadda ka hor carqaladeeyeen dadaallada caafimaad ee ka hortagga cudurka faaafa ee COVID-19 oo ay dileen dhakhaatiir ka shaqeynayeen gudaha Soomaaliya.

Waxaa arrin lagu qoslo ah in koox had iyo jeerba daadisa dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay maanta dhahaan waxaan fureynaa goob nolosha lagu badbaadiyo.

 

 

Jab weyn oo soo gaaray dhiig-cabtada al-Shabaab

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XCDS) ayaa dhawaan daafaha magaalada Xudur ee gobalka Bakool waxay ku dileen 40 ka tirsanaa kooxda dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab.

Taliyaha CXDS, jeneral Odowaa Yuusuf Raage, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidammada ay howl-gal billaabeen kaddib markii ay maqleen in xubno ka tirsan Shabaab ay goobtaas lagu dilay ku sugnaayeen. 

“Ciidammadeenna waxay jab weyn gaarsiiyeen kooxda Shabaab, waxayna dileen 40 ka mid ahaa kooxdaas, oo uu ka mid yahay hoggaamiyahooda Xudur,” ayuu yiri taliyuhu, isagoo raaciyay in kooxda laga furtay hub badan. 

Dadweynaha ku dhaqan tuulada Abal ee daafaha magaalada Xudur ayaa sheegeen inay maqlayeen dhawaaqa dagaal aad u xooggan kaasoo jab weyn ay kala kulmeen dhiig-cabtada Shabaab.

Isla gobalka Baay, CXDS waxay lix ka mid ahaa al-Shabaab ku laayeen magaalada Diinsoor 27-dii bishii lasoo dhaafay ee Maayo. Dowladda Soomaaliyeed waxay sare u qaadday weerarrada iyo howl-gallada ka dhan ah al-Shabaab ee dhammaan dalkeenna hooyo.

Dadaallada lagu cirib-tirayo al-Shabaab waxay socdaan marxaladdii ugu fiicneed iyadoo awoodda al-Shabaab aad loo wiiqay, taasoo ku khasabtay in xubno badan oo al-Shabaab ahaa ay soo goostaan.  Weerarro ay al-Shabaab soo qaadeen oo dhowr ahaana waa laga hortagay siiba Jubbooyinka. Ciidammada Jubbaland waxay ka hortageen weerar ay Shabaab ku soo qaadeen Bilis-Qooqaani iyo Dhoobley horraantii bishaan Juunyo.

 

Maxaa u dambeeyaa hablaha Shabaab ku taxaabo xabsiyada

Dhibaatada ururka dilaaga ah ee al-Shabaab uu ku hayo dadweynaha Soomaaliyeed kuma koobna keliya ragga balse dumarkana wuu dhibaateeyaa qaar ka mid ahna xabsiyadooda sirta ah ayeyba ku jiraan.


Inta badan dumarkaas waa kuwa ay siyaabo kala duwan isu khilaafeen amniyaadka al-Shabaab oo ay xubno ka yihiin tuugo dantood fiiris ah oo dan u aheyn ilaalinta diinta islaamka oona iska dhowreynin xaq-darrada.


Dumarkaas ay dhibaatada kasoo gaartay ururka dilaaga ah ee al-Shabaab waxay kala noqdeen qaar la dilay, qaar la kufsaday iyo qaar si Khasab ah lagu guursaday.


Hablaha ay dileen waxaa ugu caansaneyd Ayaan Maxamed Caseer oo ay ku dileen magaalada Buula-Burte bishii Abriil sanadkii 2013-kii. Gabadhaan waxay aheyd xaaskii uu ka tagay ninkii isku qarxiyay Hargaha iyo Saamaha kaddib markii ay go’aansatay in dib dambe uusan u guursanin nin xubin ka ah al-Shabaab.


Waxaa la sheegay in gabadhaas ay ka caroodeen ragga amniyaadka kuwaasoo doonayeen inay dumaalaan. Waxay dabeetana kala dageen baabuur u socday Beledweyne, waxaana gabadhaas la waayay muddo labo sanadood ah, muddadaas ka dibna waxay ku toogteen goob fagaaro ah iyadoo ay ku eedeeyeen inay aheyd jaajuus.


Waa sababta ka mid ah sababaha been abuurka ah ee ay ku sheegaan qof Allaale qofkii ka horjeesto ficilladooda iyo amarradooda gurracan.
Sidoo kale, hablahaas waxaa ka mid ah gabar ganacsato aheyd oo la oran jiray Shaaddiyo oo ku sugneyd magaalada Jilib taasoo laheyd ganacsi aad u kala socdo. Dhallinyaradii amniyaadka ayaa la sheegay inay u kala tartami jireen iyadana wey iska celin jirtay. Habeen habeennada ka mid ah ayey amniyaadka la baxeen waxayna ku xireen xabsi sir ah.


Labo sano ayaa la waayay gabadhaas, waxaana dabeetana meydkeedii ay kusoo tuureen meel bannaan ah. Bal qiyas xanuunka qoyskeeda iyo ehelladeeda ay dareemeen gabadhaas.


Qof Allaale qofkii ka biyo diido amarradooda, sabab lagu toogto ayaa loo raadiyaa, maxkamad been ku sheeg oo la wada ogyahay go’aankii kasoo bixi doono ayaa la geeyaa dabeetana waxaa lagu toogtaa goob fagaaro ah.

 

Al-Shabaab oo siyaabo cusub oo dadka lagu dhaco ku kacday

Hoggaanka sare ee al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inuu amray xubnaha ururka inay sare u qaadaan lacagaha xaaraanta ah ee ururku ummadda Soomaaliyeed ka dhaco ee uu ugu yeero zakawaadka.


Iyadoo dhaqaalaha guud ee kooxda uu hoos u dhacay taasoo ay sababeen goobaha muhiimka ee ay dhaqaalaha ku haysatay oo laga saaray sida degmada Jannaale, waxaa lagu soo warramayaa in xubnaha ururka lagu khasbay inay dadka si xoog ah uga soo qaadaan lacagaha.
Sidoo kale, khilaafka xooggan ee u dhaxeeya hoggaamiyaha al-Shabaab iyo Mahad Karaatey, kaasoo u xil-saarnaa dhaqaalaha ururka, ayaa la sheegay inuu saameyn weyn ku yeeshay oo ku aaddan dhaq-dhaqaaqa ururka.


Bishii lasoo dhaafay, hoggaamiyaha sare ee al-Shabaab ayaa la sheegay inuu xilka ka qaaday Mahad Karaatey iyo Bashiir Qoorgaab, taasoo dhalisay in beesha Karaatey ay ka xummaadeen xil-joojintiisa.


Waxaa taasi xigtay in kooxda ay u kala go’do labo qeybood, kuwa raacsan Mahad Karatey iyo kuwa raacsan hoggaamiyaha sare.
Waxaa lagu soo warramayaa in taasi sababtay in xubnaha al-Shabaab ay raadinayaan siyaabo cusub oo ay ku soo kabi karaan hoos-u-dhaca dhaqaale ee soo wajahday.


Waxaa la sheegay in boob cad ay ku hayaan goobaha miyiga ah ee ay weli ka arrimiyaan iyo magaalooyinka ay weli awoodda ka leeyihiin.
Waxaa layaab leh in shacabka Soomaaliyeed ee dan yarta ah oo iyaguba ku dhibaateysan nolosha la dul saaro lacago  aysan xamili karin siiba bisha Ramadaan ee barakeysan ee u baahan in masaakiinta la taakuleeyo.

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka bilaawday Gobolada Baay iyo Bakool

 

Xarunta Taliska qeybta 60,aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa lagu diyaariyay boqolaal ka mid ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya e ka qeyb qaadanaya la dagaalanka Al-Shabaab.


Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in ay haatan diyaariyeen Ciidamada ka qeyb qaadan lahaa dagaalkaas si ay u furan Wadooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab.
Taliyaha Qeybta 60,aad ee Ciidamada Xoogga dalka Ibraahim Yaroow ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya amarkii Madaxweynaha Soomaliya iyo dhamaan talisyada xoogga dalka Soomaaliya ay bilaabi doonaan dagaalkaas.


Waxa uu sheegay in iyaga iyo Shabaab uu kala dhaxeyo dagaal culus balse ay iyagu dadka Shacabka ah leynayaan taasina aysan ka aqbaleyn. Isaga oo la hadlayay Boqolaal Askari oo loo diyaariyay dagaalkaas ayuu sheegay in Ciidamadu ay si dhaqso ah u howlgalli doonaan Al-Shabaabna loogu tegi doono Goobaha ay ku sugan yihiin.

Howlgalo lagu Baacsanayo Al shabaab oo ka dhacay Shabeelaha hoose

 

Ciidamada xooga dalka ayaa howlgalo lagu Baacsanayo Maleeshiyaadka Nabad diidka Al shabaab waxay ka sameeyeeyn Tuulooyin hoostaga degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in howlgalkan uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Ibraahim Aadan Cali Najax ay fuliyeen ciidamada Ururka 26-aad guutadiisa sedexaad, isagoona sheegay inuu guul ku soo dhamaaday, lana eryay Maleeshiyada Al shabaab ee ku dhuumaaleysanayay Tuulooyinkaasi.

“Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose oo horkacayo ururka 26-aad guutadiisa sedexaad ayaa waxay howlgalo ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo ciidamada ay halkaasi ka fuliyeen howlgal lagu baacsanayay Maleeshiyaadka Al shabaab, waxayna ku guuleysteen ciidamada inay guud ahaanba ka saaraan argagaxisada meelaha ay ku dhuumaaleynsayeen”

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose in  howlgalkan uu hordhac u yahay dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dalka looga ciribtirayo Maleeshiyaadka Jid iyo jihadiidka ee Al shabaab.

Page 3 of 7

Subscribe To Our Newsletter