Ciqaabta ka jirto xabsiyada sirta ah ee al-Shabaab

 

Waxaa Dhawaan faahfaahin laga helay xabsiyo qarsoon oo kooxda dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab ay ku leedahay deegaannada ay ka arrimiso. Nin la yiraahdo Farxaan Maxamuud oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab ayaa soo bannaanka keenay ciqaabta daran iyo jirdilka ka jiraan xabsiyadaas.

Farxaan wuxuu sheegay in dhiig-cabtada al-Shabaab ay leeyihiin ayna maamuulaan xabsiyo kala nooc ah oo dadka siyaabo kala duwan loogu ciqaabo, waxaana xabsiyadan la aasaay sanadkii 2008, waxaana ku dhintay dad badan oo xabsiyadaasi lagu ciqaabay.

Xabsiyada al-Shabaab waxaa maamushaa koox sirdoon ah, waxaana dadka lagu ciqaabay ka mida ajaaniib al-Shabaab ka mid noqotay, waxaana ururka dhexdiisa ka jiraa is-basaasid iyo in xubnaha ay iyaga dhexdooda is jaajuusaan. Sidoo kale, Zubeyr al-Muhaajir oo ah nin hadda ka hor isu soo dhiibay dowladda Soomaaliyeed kana soo goostay al-Shabaab ayaa sheegay in jirdil iyo tacdiib badan ay ka jiraan xabsiyada qarsoon ee al-Shabaab.

Zubeyr wuxuu sheegay in xubnaha al-Shabaab ay filimaad ka duubaan dadka iyagoo la ciqaabayo taaso caddeyneyso araxan-darrada ururka dilaaga ah. Zubeyr oo isaga laftiisa tacdiibtaas loo geystay ayaa sheegay in dad badan ciqqaabta loo geystay darteed ay isaga qirtaan dambiyo aysan galin oo dabeetana lagu xukumay dil.

Inta badan dadka al-Shabaab keenaan fagaarayaasha oo ay toogtaan waa dad dambiyada la dul-saaray, la ciqaabay si ay u qirtaan dambiyadaas markaas ka dibna qiil looga dhigo in iyaga laftooda ay qirtaan dambiyadaas.

 

Subscribe To Our Newsletter