Shacab wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah al-Shabaab

 

Dad shacab ah ayaa abaabul ka dhan ah al-Shabaab ka wadaan deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud kaddib markii shacab halkaasi lagu xiray. Ku dhawaad 20 qof oo ay isugu jiraan dhallinyaro, dumar iyo odayaal ayaa al-Shabaab ugu xiran dhul howd ah oo u dhow deegaanka Qayid ee gobalka Galgaduud.

Al-Shabaab dadka ay xiratay ayaa ah xoola-dhaqato ka biyo diideen inay xoolahooda bixiyaan kaddib markii xubno ka tirsan al-Shabaab ay isu dayeen inay ka faro maroojistaan xoolahooda. Dhammaan dadka al-Shabaab ay ku xireen deegaanka Qayid iyo deegaannada u dhow waa dad reer guuraa ah oo masaakiin ah oo wax galabsan.

Dadka wadaan abaabulka ka dhan ah al-Shabaab ayaa sheegeen in aysan u dulqaadan karin dhaqammada al-Shabaab ee ku aaddan dhibaateynta shacabka.

Xarigga dadweynaha aan wax galabsan waxay sababtay in shacab badan ay ka barakacaan tuuloyinka u dhow deegaannada ay al-Shabaab dadka ku xirxirtay.

Dadweynaha deegaanka ee wadaan abaabulka ka dhanka ah al-Shabaab waxay wacad ku mareen inay dagaal culkus ku qaadi doonaan ururka dilaaga ah ee al-Shabaab.

Waxaa waayahaan dambe aad u bateen dagaallada ay dadka shacabka ah ku qaadaan ururka xagjirka ah ee al-Shabaab iyadoo dagaalladaas lagu laayay horjoogayaal iyo xubno ka tirsan al-Shabaab.

Waxaa dalka ka jiraan ururro iskooda isu abaabulay si ay dagaal ula galaan ururka al Shabaab. Kooxahaas waxaa ugu caaansan kooxda Macawiisley taasoo sanadkii 2014-kii laga aasaasay magaalada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellada Dhexe.

 

 

 

Subscribe To Our Newsletter