Xoola-dhaqato iska celisay weerar Shabaab soo qaadday

lix iyo toban (16) qof oo katirsan maleeshiyada al-Shabaab ayaa lagu laayay degmada Bacaadweyn ee gobalka Mudug kaddib markii dagaal u dhaxeeyay  iyaga iyo xoola-dhaqato.

Koox hubeysan oo daacad u ah ururka al-Shabaab ayaa weerar ku qaadeen xoola-dhaqato kaddib markii xoola-dhaqatadaas ay ka biyo diideen amar ahaa inay dhiibaan xoolahooda.

Dhallinyarada degmadaas ayaa dabeetana sammeeyeen kacaan, waxayna dagaal ku qaadeen al-Shabaab si ay u difaacaan xoolahooda ay nolosha oo dhan tabcanayeen.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed guutada 21aad oo ka jawaabaya qeylo-dhaanta ayaa tegay goobta dagaalku ka jiray, waxayna goobta ka saareen tuugadii weerarka soo qaadday iyadoo 16 ka mid ahaa raggaas goobta lagu laayay.

Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed waxay u diideen dhiig-cabtada al-Shabaab inay tuulada Shabeelow ka dhisaan xarun ay dadka kaga uruuriyaan lacagaha xaaraanta ah ee ay ugu yeeraan canshuurta iyo sakawaadka.

Xiisad ayaa halkaas ka bilowday kaddib markii dadweynaha Soomaaliyeed oo diiddan guumeysiga al-Shabaab ay ka biyo diideen amarka al-Shabaab ee ah inay bixiyaan xoolahooda.

In mudda ah, ururka al-Shabaab waxaa ka hor imaadeen shacabka ay ku khasbi jireen inay xoolahooda bixiyaan, carruurtoodana ku biiraan kooxda si ay u noqdaan ismiidaamiyeyaal loo diro in naftiisa halaago oo uu laayo dad aan wax galabsan.

Dagaalkaas waxay kooxdaas ku dileen nin macallin dugsi ahaa.

 

Subscribe To Our Newsletter