Al-Shabaab oo carruurta ay u diraan ismiidaaminta siiyaan mukhaadaraad

Ciidammada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska ee loo yaqaanno Danab ayaa howl-gal ka sammeeyeen degmada Kuuntuwaarey ee gobalka Shabeellada Hoose oo dhawaan laga saaray kooxda dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab.

Inta ay ciidammadu ku guda jireen howl-galkaas ayaa waxay gacanta ku dhigeen beer weyn oo kooxda al-Shabaab ku beeri jireen maandooriyaha loo yaqaanno xashiishka.

Sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya, kooxda al-Shabaab waxay xashiishkaas u dhoofin jirtay magaalada Muqdisho. 

Degmada Kuuntuwaarey ayaa dhawaan waxaa la wareegay dowladda Soomaaliyeed waxaana halkaa lagu dilay saraakiil iyo horjoogayaal sare oo ka tirsanaa al-Shabaab. Degmadaas waxay ka mid aheyd meelaha ay ugu xoogga badneyd ee gobalkaas ee ay ka arriminayeen ururkaas dilaaga ah.

Kooxda dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab waxaa laga saaray goobo badan oo ay hadda ka hor ka arriminayeen oo ka tirsan gobalka Shabeelada Hoose, waana guul u soo hoyday ummadda Soomaaliyeed.

Beerta xashiishka ee kooxda al-Shabaab, oo aaminsan inay kaligood muslimiin yihiin, dadka kale dhammaantoodna yihiin murtaddiin, ay beeraneysay waxay caddeyneysaa in ay tahay koox maafiyo ah oo diinta islaameed ee suuban iska sheegatay.

Waxaa la ogaaday in maandooriyaha ay kooxda Shabaab beerato, ay siiyaan carruurta da’ yarta ee ay u adegsadaan qaraxyada ismiidaaminta maaddaama madkaxdooda aysan xamili karin. 

Sidoo kale, maandooriyaha xashiishka ee kooxdu beerato waxay ka heshaa dhaqaale badan iyagoo toos uga iibiyaan dadka isticmaalaan maandooriyeyaasha.

Dadka deegaanka waxay sidoo kale sheegeen in madaxda al-Shabaab ee ku sugneyd Kuuntuwaarey ay iyagu laftood isticmaalayeen maandooriyaha xashiishka.

Kooxda dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab waxaa laga saaray  goobo badna oo dalkeenna ka tirsan ooh adda ka hor ay dadweynaha Soomaaliyeed ku dhibaateyn jireen.

 

Subscribe To Our Newsletter