Tababbare sare oo ka tirsanaa Shabaab oo la dilay

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan waxay howl-gal ku dileen nin ka mid ahaa horjoogayaasha al-Shabaab kaasoo u dhashay dalka Nepal.

Sarkaal ka tirsan CXDS oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlaglladaas ay ku dileen sarkaalkaas ka tirsanaa tababbarayaasha sare ee al-Shabaab.

Saraalkaas waxaa magaciisa lagu sheegay Ashraf Azmi Abu Hamdan, waxaana lala dilay seddax dagaalame oo ilaalo u ahaa, sida uu sheegay sarkaalkan u hadlay Danab.

Taliyaha ayaa sheegay in deegaanada ay howlgalladaas ka fuliyeen ay kala yihiin Buur-gaduud, Waabo, Salagle iyo Duqay oo dhamaantood hoos taga degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in u jeedka howlgalkoodu uu ahaa inay beegsadaan saraakiisha sare ee al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada nuucaan oo kale ah.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Danab ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ay al-Shabaab kala wareegeen deegaanada kala ah Xawaaljiri, Bernasey, Yaaqbishaar iyo Cusbo, oo hoos taga degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhamaantood ay horay u maamulayeen al-Shabaab.

Sidoo kale howlgalkaas saraakiishii hoggaamineysay ee Danab waxa ay sheegeen inay ku dileen ilaa lix dagaalame oo ka tirsanaa al-Shabaab.

 

Subscribe To Our Newsletter