Maxaa u dambeeyaa hablaha Shabaab ku taxaabo xabsiyada

Dhibaatada ururka dilaaga ah ee al-Shabaab uu ku hayo dadweynaha Soomaaliyeed kuma koobna keliya ragga balse dumarkana wuu dhibaateeyaa qaar ka mid ahna xabsiyadooda sirta ah ayeyba ku jiraan.


Inta badan dumarkaas waa kuwa ay siyaabo kala duwan isu khilaafeen amniyaadka al-Shabaab oo ay xubno ka yihiin tuugo dantood fiiris ah oo dan u aheyn ilaalinta diinta islaamka oona iska dhowreynin xaq-darrada.


Dumarkaas ay dhibaatada kasoo gaartay ururka dilaaga ah ee al-Shabaab waxay kala noqdeen qaar la dilay, qaar la kufsaday iyo qaar si Khasab ah lagu guursaday.


Hablaha ay dileen waxaa ugu caansaneyd Ayaan Maxamed Caseer oo ay ku dileen magaalada Buula-Burte bishii Abriil sanadkii 2013-kii. Gabadhaan waxay aheyd xaaskii uu ka tagay ninkii isku qarxiyay Hargaha iyo Saamaha kaddib markii ay go’aansatay in dib dambe uusan u guursanin nin xubin ka ah al-Shabaab.


Waxaa la sheegay in gabadhaas ay ka caroodeen ragga amniyaadka kuwaasoo doonayeen inay dumaalaan. Waxay dabeetana kala dageen baabuur u socday Beledweyne, waxaana gabadhaas la waayay muddo labo sanadood ah, muddadaas ka dibna waxay ku toogteen goob fagaaro ah iyadoo ay ku eedeeyeen inay aheyd jaajuus.


Waa sababta ka mid ah sababaha been abuurka ah ee ay ku sheegaan qof Allaale qofkii ka horjeesto ficilladooda iyo amarradooda gurracan.
Sidoo kale, hablahaas waxaa ka mid ah gabar ganacsato aheyd oo la oran jiray Shaaddiyo oo ku sugneyd magaalada Jilib taasoo laheyd ganacsi aad u kala socdo. Dhallinyaradii amniyaadka ayaa la sheegay inay u kala tartami jireen iyadana wey iska celin jirtay. Habeen habeennada ka mid ah ayey amniyaadka la baxeen waxayna ku xireen xabsi sir ah.


Labo sano ayaa la waayay gabadhaas, waxaana dabeetana meydkeedii ay kusoo tuureen meel bannaan ah. Bal qiyas xanuunka qoyskeeda iyo ehelladeeda ay dareemeen gabadhaas.


Qof Allaale qofkii ka biyo diido amarradooda, sabab lagu toogto ayaa loo raadiyaa, maxkamad been ku sheeg oo la wada ogyahay go’aankii kasoo bixi doono ayaa la geeyaa dabeetana waxaa lagu toogtaa goob fagaaro ah.

 

Subscribe To Our Newsletter