Al-Shabaab oo siyaabo cusub oo dadka lagu dhaco ku kacday

Hoggaanka sare ee al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inuu amray xubnaha ururka inay sare u qaadaan lacagaha xaaraanta ah ee ururku ummadda Soomaaliyeed ka dhaco ee uu ugu yeero zakawaadka.


Iyadoo dhaqaalaha guud ee kooxda uu hoos u dhacay taasoo ay sababeen goobaha muhiimka ee ay dhaqaalaha ku haysatay oo laga saaray sida degmada Jannaale, waxaa lagu soo warramayaa in xubnaha ururka lagu khasbay inay dadka si xoog ah uga soo qaadaan lacagaha.
Sidoo kale, khilaafka xooggan ee u dhaxeeya hoggaamiyaha al-Shabaab iyo Mahad Karaatey, kaasoo u xil-saarnaa dhaqaalaha ururka, ayaa la sheegay inuu saameyn weyn ku yeeshay oo ku aaddan dhaq-dhaqaaqa ururka.


Bishii lasoo dhaafay, hoggaamiyaha sare ee al-Shabaab ayaa la sheegay inuu xilka ka qaaday Mahad Karaatey iyo Bashiir Qoorgaab, taasoo dhalisay in beesha Karaatey ay ka xummaadeen xil-joojintiisa.


Waxaa taasi xigtay in kooxda ay u kala go’do labo qeybood, kuwa raacsan Mahad Karatey iyo kuwa raacsan hoggaamiyaha sare.
Waxaa lagu soo warramayaa in taasi sababtay in xubnaha al-Shabaab ay raadinayaan siyaabo cusub oo ay ku soo kabi karaan hoos-u-dhaca dhaqaale ee soo wajahday.


Waxaa la sheegay in boob cad ay ku hayaan goobaha miyiga ah ee ay weli ka arrimiyaan iyo magaalooyinka ay weli awoodda ka leeyihiin.
Waxaa layaab leh in shacabka Soomaaliyeed ee dan yarta ah oo iyaguba ku dhibaateysan nolosha la dul saaro lacago  aysan xamili karin siiba bisha Ramadaan ee barakeysan ee u baahan in masaakiinta la taakuleeyo.

Subscribe To Our Newsletter