Khilaafkii Axmed Cumar iyo Cali Dheere oo faraha ka sii baxay

Loolanka iyo isqabqabsigii ka dhaxeeyay Axmed Cumar iyo Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) oo ka mid ah ragga ugu sarreeya ururka al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in loo caal waayay oo uu faraha ka sii baxayo.

Cali Dheere ayaa Axmed Cumar ku eedeeyay in uu daba-dhilif u yahay dagaalyahannada ajnabiga ee al-Qaacida Soomaaliya ka jooga, isagoo wax kasta oo ay u baahdaan siiiya halka maleeshiyada degaanka ee al-Shabaab ay gaajo u dhimanayaan. Cali waxuu kaloo Cumar ku eedeeyay in uu lunsaday hantidii ururka al-Shabaab taas oo boqolaal malyan oo doolar lagu qiyaasay. Lacagtaas ayaa hoggaamiyihii hore ee al-Shabaab, Axmed Godane, waxuu ku aaminay Cumar si uu hawlaha ururka ugu furdaamiyo, balse Cumar waxuu lacagtaas u isticmaalay dano khaas ah, sida guursashada dumar badan iyo abaabulka caweysyo lagu tunto ama raaxeysto.

Axmed Cumar waxaa kaloo lagu eedeeyay in maleeshiyaadka qabiilkiisa ka soo jeeda uusan u dirin goobaha dagaalka, halka kuwa kale, siiba kuwa ka soo jeeda qabiilka uu ka dhashay Cali Dheere, ay dagaalada ku hoobteen, taas oo sababtay in in badan oo ka tirsan ay ururka ka goostaan oo ay dowladda isku dhiibaan. Khilaafkan daba-dheeraaday ayaa la filayaa in uu sababo burburka iyo kala-tagga ururka naxashka-saarka ah ee al-Shabaab.


Aamusnaanta Axmed Cumar waxay astaan u tahay tabaryaridiisa

Afar bilood ayaa ka soo wareegtay markii ururka al-Shabaab ay Axmed Cumar u magacaabeen amiirkooda cusub kadib dilkii Axmed Cabdi Godane, laakiin ilaa hadda ma cadda awoodda hoggaankiisa iyo halka uu ururka ku wado.
Waxaa la aaminsanyahay in aamusnaanta Cumar ay astaan u tahay sida uusan awood ugu laheyn hagidda ururka oo haatan la il daran niyad-jab, guuldarro, dhaqaalo-xumo, khilaaf iyo goosasho xad-dhaaf oo yareysay tirada maleeshiyaadka u dagaalama.
Maleeshiyaadka ururka ayaa tabay hoggaankii Godane maadaama uu isaga kaliya hayay xogta hoose ee ilaha dhaqaalaha ururka iyo halka ay al-Qaacida lacagta iyo hubka u soo mariso. Godane waxuu kaloo awood u lahaa in uu isku hayo garabyada ururka dhexdiisa ah ee uu loolanka hoose ka dhaxeeyo.
Cumar ma laha aqoon iyo kartii uu ku hago ururka ama isugu soo dhoweeyo garabyada is diidan. Waxaa durba soo baxay hoggaamiyeyaal badan, sida Cali Dheere, oo ku dhiiranaya in ay mucaaradaan Cumar, iyagoo ugu baaqay in uu xilka wareejiyo. Tabaryarida Cumar iyo khilaafaadka sii xoogeysanaya ee ururka dhexdiisa ah ayaa la filayaa in ay horseedaan burburkii kama dambeyna ahaa ee argagixisada dhiigyacabka ah.

Dumarka degaannada la xorreeyay oo dib u gocday guurkii qasabka ahaa

Waalidiin badan ayaa gabdhahooda dalka ka saaray xilligii ay Shabaabku dalka intiisa badan ka talin jireen si ay uga nabad galaan guurka qasabka. Gabdhahaas oo intooda badan u qaxay dalalka deriska ah ayaa haatan dalka dib ugu soo laabanaya maadaama degaannadoodii laga xorreeyay dhiigyacabkii haystay.
Waalidiinta ayaa ka warramay handadaadda ay kala kulmi jireen argagixisada, kuwaas oo ku qasbi jiray in ay soo dhiibaan gabdhahooda da’da yar si loogu guuriyo maleeshiyaadka al-Shabaab, waalidkii amarkaas diidana waxuu muteysan jiray xabsi amaba dil toogasho ah. Gabdho badan oo guurka noocaas ah lagu qasbay ayaa haatan kaligood koriya ilma yaryar oo ay aabayaashooda Shabaabka ka tirsan ay dayaceen, taas oo ah arrin dambi ku ah diinteenna suubban ee farreysa in aabuhu uu mas’uul ka yahay xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Kaba daranee, Shabaabku waxay gabdhaha qasab ugu guurin jireen dagaalyahannada ajaanibta ah ee al-Qaacida ka tirsan iyagoo aan is-afgaraneynin. Taasi waxay muujineysaa sida ay Shabaabku uga go’neyd in ay dhaqan-rogaan dadkeenna, afkeenana wiiqaan.

Degmada Ceelbuur oo ay noloshu caadi ku soo noqotay

Nolosha degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa soo marba marka ka dambeysa sii hagaageysa tan iyo markii dhawr bilood ka hor laga qaaday cunaqabateyntii ay Shabaabku degaankaas ku soo rogeen kadib markii sanad ka hor halkaas laga xorreeyay. Markii la qaaday jidgooyooyinkii al-Shabaab ayay dadkii degaanka guryahooda iyo ganacsiyadooda si rasmi ah ugu soo noqdeen.
Laakiin in muddo ahba shacabka nolol adag ayaa ku noolaayeen waayo Shabaabka ayaa markii ay arkeen in degaanka laga qabsanayo waxa bililiqeysteen qalabkii korontada iyo kii biyaha siin jiray degaanka. Bililiqeysiga hantida lama huraanka ah waxay tusaale u tahay sida ay Shabaabka uga go’antahay dhibaateynta dadka muslimiinta ah ee aan waxba galabsan. Qalab cusub ayaa haatan degaanka loo keenay.
Astaamaha kale ee muujinaya sida dadka degaanka ay uga reysteen xukunkii gurracanaa ee al-Shabaab waxaa ka mid ah iyagoo si xor ah magaalada u mashaaxaya, aroosyada iyo xafladaha ka qeybgalaya, isticmaalayana telefoonnada casriga ah ee ay Shabaabku xaaraantimeeyeen. Ardayda iskuullada ayaa haatan ku mashquula kubadda cagta xilliga ay waxbarashada ka soo baxaan, suuqii xoolahana dib ayuu u furmay maadaama aysan xoolo dhaqatadu wax cabsi ah ka qabin in ay Shabaabku xoolahooda bililiqeystaan.

Subscribe To Our Newsletter