XDS oo dagaal ku dilay hoggaamiyeyaal al-Shabaab ka tirsanaa

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weerar ay ku qaadeen agagaarka degaanka Goof-gaduud ku dilay hoggaamiye-sare Sheekh Cabdi Yuusuf iyo dhawr nin oo kale oo ka mid ahaa hoggaamiye-dhexaadka kooxda al-Shabaab. 
Ciidamadu waxay kaloo halkaas ku dileen tobananeeyo maleeshiyada al-Shabaab ka tirsanaa, iyagoo hub badan oo ay maleeshiyadu wadatayna la wareegay. Kooxda dhiigyacabka ah ee al-Shabaab ayaa dhan kasta haatan laga hareereeyay, iyagoo in badan oo ka tirsani ay isku soo dhiibeen dowladda Soomaaliya.
Dilalka lala beegsanayo madaxda al-Shabaab ayaa sii kordhay waxii ka dambeeyay dilkii amiirkooda, Axmed Godane, oo horraantii sanadkan la dilay, taas oo niyadjab wey u keentay kooxda. Waxaa kaloo kooxda curyaamiyay dhaqaalo daro weyn kadib markii laga xorreeyay degaano badan, sida magaalada dekedda ah ee Baraawe, oo uu dakhli ka soo gali jiray, halkaas oo ka dhoofin jireen ama ka soo dejin jireen walxaha adduunka mamnuuca ka ah sida dhuxusha iyo daroogada.

Konton Shabaab ah oo lagu dilay degaanka Kudhaa ee J/Hoose

Konton argagixisada al-Shabaab ka tirsanaa ayaa afka ciidda loo daray kadib dagaal ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maleeshiyada al-Shabaab ku dhexmaray aagga degaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.
Dhiigyacabka al-Shabaab ee degaalka Kudhaa ku naf waayay ayaa waxay u badnaayeen ajnabi ka yimid dalalka Yemen, Nigeria ee wadamo kale. Argagixisada ayaa goobta uga cararay dhaawacooda, kuwaas oo haatan lagu hayo isbitaallada ciidanka dalka. 
Maleeshiyaadka dhaawaca lagu soo qabtay ayaa ballan qaaday in ay dowladda taageeraan, iyagoo bixiyay sirta al-Shabaab iyo qorsheyaal ay argagixisadu u dejisay in ay qabaa’illada Soomaaliyeed isku dirto si ay uga dhex faa’ideystaan, dalkana u dhibaateeyaan.
Dhaawacooda ka sokow, Shabaabku waxay kaloo ka carareen dhawr iyo toban shixnadaha keydka rasaasta ah iyo hubka waaweeyn oo ay argagixisadu u adeegsan jirtay weerarrada degaannada dalka.

Xoolo-dhaqato iyo al-Shabaab ku dagaallamay gobolka Hiiraan

Hal qof ayaa dhintay, dhowr kalena way ku dhaawacantay dagaal qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan ku dhex maray dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dad xoolo-dhaqato ah oo hubeysan. Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Yasooman oo 45 km u jira degmada Buulo-burte.
Goobjoogayaal ayaa u saxaafadda u sheegay in dagaalka uu dhacay kaddib markii dadka xoolo-dhaqatada ah ay diideen inay kooxda Al-Shabaab siiyaan xoolo sako been ah ay u qaadan rabtay. Xoolo-dhaqatada ayaa durba bilaabay in ay is aruuriyaan oo ay hub diyaarsadaan si ay isaga difaacaan boobka al-Shabaab, iyagoo markii la soo weeraray difaac xoog leh ka horgeeyay argagixisada. 
Dadka degaannada kala duwan ee dalka ayaa bilaabay kacdoon ay isaga dhicinayaan kooxda al-Shabaab ee caadeystay dhibaateynta shacabka. Dadka ayaa taageero ka hela ciidamada dowladda ee ka ag dhow degaamadooda ee loo carbiyay la dagaalanka argagixisada.

Saddex qof oo ay Shabaabku ku jir-dileen May-kaareebay, Gedo

Saddex qof oo xoolo-dhaqato ah ayaa lagu soo warramayaa in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay ku jir-dileen deegaanka May-Kaareebay oo hoos taga degmada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.
Odayaal ku sugan deegaankaas ayaa saxaafadda u xaqiijiyey jir-dilka saddexda nin, iyadoo laba ka tirsani ay xaaladoodu aad u liidato oo laga cabsi qabo in ay naf-baxaan.
Al-Shabaab iyo saddexda nin ee xoolo-dhaqatada ah ayaa lagu soo warramayaa in ay isku khilaafeen xoolo ay maleeshiyadu ku tilmaantay sako oo ay ku amartay dadka inay bixiyaan, arrintaas oo ay saddexda qof sheegeen in aysan awoodin maadaama ay sabool yihiin.
Al-Shabaab ayaa deegaannada miyiga ah waxay ka urursadaan xoolo ay si khasab ah uga qaataan dadka deegaannadaas maadaama ay kooxdu lumisay ilahii dhaqaalaha ka soo geli jiray. Balse ciidamada dowladda ayaa haatan isku sii ballaarinayay dhulalka miyiga ah si ay u badbaadiyaan xoolo dhaqatada masaakiinta ah oo boobka lagu hayo.

Subscribe To Our Newsletter