Ganacsatada xoolaha nool oo ka biyo diiday ammar Shabaab soo rogay

Ganacsatada xoolaha dhoofisa ayaa ku gacansayray baad ay waydiisteen kooxda ay hoggaamiyaan caloosdhood u shaqeystayaal ee al-Shabaab oo ah neef kasta ay ka siiyaan 18 Dollar, taasoo haddii ay aqbalaanku ah khasaaro xoog leh oo maaliyadeed ganacsatada.

Ganacsade codkiisa iyo magaciisa In la shaaciyo  diiday oo la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in aysan marnaba dhici doonin ayna oggolaan doonin inay  qayb  ka noqdaan maalgalinta kooxda argagixisadda al-Shabaab, waxaana ay ku doodeen inay bixiyaan canshuurta dalka, taasoo waxtar u leh dalka iyo dadka, balse aysan diyaar u ahayn inay dhiibaan lacagtii lagu xasuuqii lahaa iyaga.

Kooxda argagixisada al-Shabaab ayaa ku cadaadiya ganacsatada dalka inay bixiyaan lacago baad ah oo ay u isticmaalaan xasuuqa shacabka, balse ganacsatada damiirkoodu nool yahay marna ma aqbalaan.

Dowladda Soomaliya ayaa si dhow ula socota meelaha ay suuragalka tahay inay argagixisadu maalgalinta ka helaan, waxaana jira sharci uu Baarlamaanka meel mariyay oo qeexaya cid kasta oo  maalgalin siisa argagixisadda in lala wareego hantidooda.

 

Subscribe To Our Newsletter