Sargaal Al-shabaab u qaabilsanaa canshuuraha iyo askaraynta oo la dilay

Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa howlaha canshuuraha koonfurta Soomaaliya ayaa lagu dilay howlgal ay fuliyeen  ciidamada amniga.  Salaad Dheere, ayaa la sheegay in la diley kadib markii ciidamada amniga ay weerareen tuulada BulaHawo oo u dhow Bardaale, oo ah Koonfur Galbeed.

Ilo ka tirsan milatariga ayaa sheegay in uu ka mid ahaa ragga sida aadka loo raadsado. Warbixinada waxay sheegayaan inuu ku lug lahaa askaraynta  iyo tababarka dhalinyarada ka soo jeeda gobolka. Waxaa sidoo kale loo xilsaaray inuu soo aruuriyo dakhliga oo uu siiyo dagaalyahannada Al-shabaab.

Al-Shabaab waxay leeyihiin isbaarooyin kuyaala dhulka ay ka taliyaan halkaas oo dadka deegaanka ay inta badan ku qasbanaadeen inay lacag bixiyaan, taas oo qayb ahaan loo istcimaalo in lagu sii wado howlgallada.

Al-Shabaab oo si naxariis darro ah u dilay nin curyaan ahaa

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dhawaan ururka dilaaga ah ee al-Shabaab ay nin curyaan ahaa ku toogteen kaasoo can ka ahaa xarunta gobolka Baay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Shariif Mukhtaar ayaa waxaa lagu dhex dilay hoygiisa, oo ku yaala xerada barakacayaasha Albaraka, oo dacalka ku haysa garoonka Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Aadan Caliyow oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Shariif Mukhtaar oo curyaan cago la’aa, ay si naxariis darro ah u dileen xubno ka tirsan al-Shabaab.

“Waxay ahayd dhacdo xanuun badan runtii. Nin curyaan oo masaakiin ah ayaa la dilay. Curyaan markaan ku leeyahay waxaan ugala jeedaa lugo ma lahayn. Niman qoryo watay ayaa gurigiisa ugu galay, wayna ku dileen. Si naxariis darro ah ayay welibana u dileen, goobtana way ka baxsadeen,” ayuu yiri Aadan Caliyow.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inaanay waxba kala socon asbaabta loo dilay marxuumka, inkastoo sida uu sheegay uu ahaa Gudoomiyaha Xerada Albaraka, oo ay degan yihiin dad barakacayaal ahi.

“Anaga waxa loo dilay ma sheegi karno, aan ka ahayn inuu ahaa gudoomiyaha kaamka Albaraka, oo ku yaalo airport-ka Baydhabo geeskiisa,” ayuu yiri Aadan Caliyow.

 

 

 

 

 

Al-Shabaab oo gacmaha ka jaray labo dhallinyaro ah

Ururka al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud waxay gacmahooda midigta ah uga jareen laba wiil oo dhallinyaro ah. Labada wiil ee xukunka gacan gooyada ah ay ku fuliyeen al-Shabaab ayaa lagu kala magacaabaa Cali Xuseen Jimcaale oo 24-sano jir ah iyo Cabdi Cabdulle Axmed oo 26-sano jir ah.

Nin sheegtay qaadiga maxkamadda al-Shabaab ee gobolka Galguduud ayaa dadkii la isugu keenay fagaaraha ay xukun kula fuliyeen dhallinyaradaas ka hor sheegay in loo heysto, fal xatooyo ah oo ay ku kaceen.

Toddobaadkii tegay ayaa al-Shabaab waxa ay deegaanka Galhareeri oo hoos taga degmada Ceelbuur waxay fagaare ku yaalla ka fuliyeen laba xukun maalin gudaheed, kuwaas oo isugu jiray dil iyo jeedal.

Ururka dilaaga ah ee al-Shabaab waxaa lagu yaqaannaa inuu ciqaabo dadka afkaartiisa gurracan wuxuuna sidaas u sameeyaa si aanan looga soo horjeedsanin xukunkiisa lala yaabay ee ku saleysan aragaggax iyo in si xoog ah lagu xukumo shacabka.

 

Degmooyin dheeri ah oo laga xoreeyay dhiig-cabtada al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay in howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo kala wareegay Xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay la wareegeen degaannada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe halkaas oo ay sheegeen inay ku xooganaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xds ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in howl;gallada ay yihiin kuwa sii socda, isla markaana aysan joogsan doonin ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka saarayaan degaannada dalka.

25-kii Bishaan ayaa Ciidamada Kumaandoosta ee Danab waxaa ay howlgallo ka fuliyeen degaano ka tirsan dhammaan dalka, waxaana saraakiisha horkaceysay howlgalka ay sheegeen inay la wareegeen shan tuulo oo ay maamulayeen al-Shabaab oo ka tirsan Jubbooyinka.

 

Tababbare sare oo ka tirsanaa Shabaab oo la dilay

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan waxay howl-gal ku dileen nin ka mid ahaa horjoogayaasha al-Shabaab kaasoo u dhashay dalka Nepal.

Sarkaal ka tirsan CXDS oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlaglladaas ay ku dileen sarkaalkaas ka tirsanaa tababbarayaasha sare ee al-Shabaab.

Saraalkaas waxaa magaciisa lagu sheegay Ashraf Azmi Abu Hamdan, waxaana lala dilay seddax dagaalame oo ilaalo u ahaa, sida uu sheegay sarkaalkan u hadlay Danab.

Taliyaha ayaa sheegay in deegaanada ay howlgalladaas ka fuliyeen ay kala yihiin Buur-gaduud, Waabo, Salagle iyo Duqay oo dhamaantood hoos taga degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in u jeedka howlgalkoodu uu ahaa inay beegsadaan saraakiisha sare ee al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada nuucaan oo kale ah.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Danab ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ay al-Shabaab kala wareegeen deegaanada kala ah Xawaaljiri, Bernasey, Yaaqbishaar iyo Cusbo, oo hoos taga degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhamaantood ay horay u maamulayeen al-Shabaab.

Sidoo kale howlgalkaas saraakiishii hoggaamineysay ee Danab waxa ay sheegeen inay ku dileen ilaa lix dagaalame oo ka tirsanaa al-Shabaab.

 

Dilka shacabka iyo dambiyada la dul saaro

Ururka diinta ka been sheegay ayaa dhawaan meel fagaare ah wuxuu ku toogtay nin lagu magacaabi jiray Daa’uud Aadan Mu’min kaasoo uu ku eedeeyay inuu nin kale dilay.

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan al-Shabaab iyo sidoo kale dadweyne la isugu yeeray halkaasi.

Inta badan al-Shabaab ayaa xukunno dil u badan ka fulisa deegaannada ay ka arrimiso ee Soomaaliya, iyadoo dadka la toogto lagu eedeeyo dambiyo laga naxo sida kufsi, falka qowmu Luudh, basaasnimo iyo kuwa kaloo kooxdu iska allifatay si ay qiil ugaga dhigaan dilalka.

Qaadiga maxkamad ku sheegga al-Shabaab ayaa sheegay in ninka dambiga la dul saaray uu isaga qirtay inuu dilka geystay, maaddaama ay aad u adag tahay in qof uu qirto inuu dil geystay isagoo og xukunka ka dambeyn doono qirashadaas.

Inta badan dadka ay al-Shabaab fagaarayaasha ku toogato waa dad ka biyo diiday amarrada ururka ee gurracan ee layaabka leh. 

Waxay dadkaas u badan yihiin dad beeraley ama xoola-dhaqato ah kuwaasoo diideen inay bixiyaan xoolahooda nool ama miraha ay ka goostaan beeruhu marka ay al-Shabaab ku amarto inay “sakada” bixiyaan.

 

Page 1 of 6

Subscribe To Our Newsletter