Shacabka oo sheegay in argagixisadu aysan hakin karin horumarka dalka

Shacabka Soomaliyeed ayaa u arka in qaraxii ay Shabaabku la beegsadeen hotel ay deganaayeen wafdi horudhac ah oo ka socda dalka Turkiga uu ahaa mid lagu hungoobay oo aan marnaba hakin doonin horumarka dalka.

Argagixisadii weerarka geysatay ayaa iridka hoteelka gudbi waayay oo isla meeshaas ayaa lagu toogtay. Sidoo kale, kuwii soo abaabulay weerarka uma suuroobin in ay cabsi geliyaan saaxibada Soomaliya, waayo socdaalkii Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan sidii loogu talo galay ayuu ku dhacay, waxuuna furay dhawr mashaariic oo dardargelinaya horumarka dalka, sida madaarka cusub ee Aadan Cadde, isbitaalka casriga ah ee Digfeer iyo kuwo kale oo daliil u ah in Soomaaliya ay tubta nabadda iyo horumarka cagta saartay.

Taliyehii hore ee sirdoonka al-Shabaab oo kooxda ugu baaqay in ay is dhiibaan

Hoggaamiyihii hore ee amniyaatka al-Shabaab, Zakariye Ismaaciil Axmed Xirsi, ayaa kooxda ugu baaqay in intay goori goor tahay ay dowladda isku dhiibaan.

Mar uu la hadlayay saxaafadda Muqdisho ayuu Zakariye sheegay in al-Shabaab ay burburtay, sidaa daraadeed waxaa la gaaray waqtigii dhalinyarada la soo qalday ay hubka dhigi lahaayeen, dadka iyo dowladdana ay cafis waydiisan lahaayeen. Waxuu sheegay in si fiican loola dhaqmay markii uu is dhiibay, sidaas si la mid ahna ay kuwa isi soo dhiiba ay ka filan karaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Al-Shabaab oo ka masayrsan Boko Xaraam iyo Daacish

Kooxda al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay ka masayrsan tahay argagixisada caalamiga ah ee warbaahintu aad loogu soo qaato, iyadoo Shabaabka wax hadal haya aysan jirin maadaama dalka intiisa badan laga xorreeyay, madaxdooda inta badan la laayay.

Haddaba si kooxda al-Shabaab ay isu muujiso, adduunkana u tusto in ay la mid tahay argagixisada waaweyn, sida Boko Xaraamta Nigeria iyo Daacishta Ciraaq iyo Siiriya, ayay waxay dhowaan soo saareen hanjabaad ah in ay weerari doonaan xarumaha laga dukaamaysto oo ku yaalla dalalka reer-galbeedka, sida Mall of America oo ku yaala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka iyo West Edmonton Mall ee ku yaalla gobolka Alberta ee dalka Kanada.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…