Al-Shabaab oo ka masayrsan Boko Xaraam iyo Daacish

Kooxda al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay ka masayrsan tahay argagixisada caalamiga ah ee warbaahintu aad loogu soo qaato, iyadoo Shabaabka wax hadal haya aysan jirin maadaama dalka intiisa badan laga xorreeyay, madaxdooda inta badan la laayay.

Haddaba si kooxda al-Shabaab ay isu muujiso, adduunkana u tusto in ay la mid tahay argagixisada waaweyn, sida Boko Xaraamta Nigeria iyo Daacishta Ciraaq iyo Siiriya, ayay waxay dhowaan soo saareen hanjabaad ah in ay weerari doonaan xarumaha laga dukaamaysto oo ku yaalla dalalka reer-galbeedka, sida Mall of America oo ku yaala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka iyo West Edmonton Mall ee ku yaalla gobolka Alberta ee dalka Kanada.

Hoggaanka al-Shabaab oo isku qilaafsan ku biiridda Daacish

Muran xoog leh ayaa soo kala dhex galay hoggaanka sare ee al-Shabaab kaas oo ku saabsan in ay kooxdu ka sii mid ahaato al-Qaacida ama ay ku biirto ururka Daacish ama ISIS.

Koox uu hoggaaminayo Mahad Karate oo ah madaxa sirdoonka al-Shabaab iyo rag kale oo ajnabi ah ayaa u ololeynaya ku biiridda ISIS, halka kuwo kalena ay aaminsanyihiin in arrinkaasi uu dhibaato hor leh kooxda u keeni karo. Mahad Karate oo ah nin xukun jaceyl uu dardaray ayaa sababta kaliya ee uu u rabo in kooxdu ku biirto ISIS ay tahay in uu saaxiibo ajnabi kasbado si uu mucaaradkiisana uga takhaluso, una hanto amiirnimada kooxda al-Shabaab.

Firxadkii al-Shabaabe ee Kudhaa laga qabsaday oo wali lagu raadjoogo

Taliyaha ciidanka maamulka Jubbaland General Aadan Koojaar ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan firxadkii al-Shabaab ee dhowaan laga qabsaday jasiiradda Kudhaa oo 150 km dhinaca koonfur uga beegan magaalada Kismaayo.

Maleeshiyadii al-Shabaab ee ku sugnayd deegaanka Kudhaa ayaa xilli habeennimo ah ka baxsaday jasiiradda kaddib markii duqaymo cirka ah loo geystay saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaankaas. Intaa kadib ayay ciidamada maamulka Jubbaland oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gudaha u galeen, lana wareegeen gacan ku haynta degaankaas.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…