Howl-gallada ka dhan ah Shabaab oo si xooggan u socdaan


Ciidamada Xoogga dalka ayaa wada howlgallo maleeshiyada argaggixisada al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.


Ciidamada ayaa argaggixisada ilaa haatan kala wareegay meelo badan oo ay dadka ku dhibaateyn jireen iyagoona sidoo kale dilay maleeshiyaad badan halka kuwo kala dhaawaceen.


General Yuusuf Raage Odawaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ciidanku howlgalkooda ka dhan ah kooxda al-Shabaab sii socon doono tan iyo inta laga sifeynayo maleeshiyaadka al-Shabaab.


“Waxaan tageynaa insha Allah meelo badan oo kooxda al-Shabaab ku sugan yihiin, waxayna ciidamada qalabka sida diyaar u yihiin in ay kooxda ka sifeeyaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Sh/Hoose, waxaana jira qorshe ballaaran oo ka dhan ah al-Shabaab” ayuu yiri taliye Odawaa.

Al-Shabaab oo door-biday isticmaalka haweenka ee is-miidaaminta


Ururka dilaaga ah ee al-Shabaab wuxuu sare u qaaday isticmaalka haweenka ee weerarrada ismiidaaminta. Bishii lasoo dhaafay keliya, ururka nabad-diidka ah wuxuu labo weerar oo is-miidaamin ah ku qaaday magaalada Muqdisho iyadoo labadaas weerar ay fuliyeen labo haween oo argagixisada al-Shabaab ay soo direen.

Mid ka mid ah weerarradaas waxaa lala beegsaday xarunta duqa magaalada Muqisho, halkaasoo ay ku dhinteen siddeed qof oo uu ka mid yahay duqa Muqdisho Cabdiraxamaan Cusmaan. Weerarka kale wuxuu ahaa mid fahilmay oo lala beegsanayay saldhigga ay leeyihiin Ciidammada Xoogga Dalka. 

In kastoo ururka dilaaga ah uu ku faanay dilka uu u geystay siddeeddaas qof oo shacab u badnaa iyo aragaggaxa uu ku riday ummadda Soomaaliyeed, weerarrada uu u adeegsado haweenka waxay tusinayaan inuu ku jiro xaalad adag iyo inuu door biday inuu qaraxyada uu u isticmaalo dumar.

Markii ugu horreysay ee uu ururka al-Shabaab dumar u adeegsado ismiidaaminta ayaa aheyd isu daygii dilka Cabdishakuur Xasan oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya sanadkii 2011-kii. Xilligaas wixii ka dambeeyay, ururku wuxuu dumar u adeegsaday weerarrada is-miidaaminta labo mar oo kala ahaa 2012-kii 2015-kii weerarradaas oo ay ku dhinteen 36 qof.

Sida ay sheegayaan dadka ka faallooda arrimaha argaggixisada iyo amniga, haddii uu urur argaggixiso dumar u adeegsado weerarrada noocaan ah, waxay muujinaysaa inuu ku jiro xaalad adag iyo in u isticmaalka dumarka weerarrada ay tahay door-bid quus ah.

Sababta guud ee uu ururka u adeegsanayo dumarka weerarrada is-miidaaminta ayaa la sheegay inay u sahlan tahay in qof dumar ah ay u suurta-gasho inuu fuliyo qarax, halka raga inta badan aad loo baaro marka ay marayaan goobaha amniga iyo isbaarooyinka.
 

Horjooge kaloo ka tirsanaa al-Shabaab oo isa soo dhiibay


Waxaa weli sii socdaan isa soo dhiibka xubnaha iyo horjoogayaasha sar-sare ee ururka nabad-diidka ee al-Shabaab iyadoo dhawaan saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay dhawaan degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigeen Xuseen Xasan Cambeer, oo horay ugu tirsanaa ururka al-Shabaab.

Ninkaan isa soo dhiibay ayaa al-Shabaab u qaabbilsanaa abaabulka waxa ay ugu yeeraan kooxda jugta culus. Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in ninkani uu ahaa sarkaal sare oo al-Shabaab ka tirsanaa, islamarkaana ka dagaallami jiray Gobolka Shabeellada hoose.

Korneyl Ismaaciil Sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in isa soo dhiibista Xuseen Xasan Cambeer, ay timid markii uu dagaal la galay kooxo kale oo daacad u ah al-Shabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…