Ciidamo lagu tababbaray Turkiga oo qalin jebiyeen

 

Dowladda Turkiga ayaa waxay dhawaan tababbar u soo xirtay boqollaal askari oo Soomaali ah, kuwaa oo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira maleeshiyada ururka al-Shabaab.


Askartan ayaa waxaa tababarka loogu soo xiray Xarunta Taliska Ciidamada Turkiga ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho (Turksom), ka dib markii tababbar uu heerkiisu sareeyo ay ku soo qaateen dalka Turkiga.


Ciidamadan oo kumaandoos ah ayaa waxaa loogu talagalay in ay ka qayb qaataan dagaalka ururka al-Shabaab looga xoreynayo qaybo ka mid ah gobollada koonfurta & bartamaha Soomaaliya.


Munaasabad ballaaran oo ciidamadan loogu wareejinayay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay xerada Turksom, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Hawlgalka Ciidamada Turkiga, General Varmeyez.


Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxaa uu dowladda Turkiga kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo ugu baaqay askarta qalin jabisay in waajib uu saaran yahay inay difaacaan shacabka Soomaaliyeed.


“Waxaan rabaa inaan idiin sheego waxaa idin sugayaa ummadda Soomaaliyeed waxaad u tihiin miro ay beerteen oo ay sugayaan inay gurtaan. Qof kastoo Soomaali ah wuxuu rajeynayaa inaad goobta uu ku sugan yahay inaad tagtaan, wuxuu rajeynayaa gurigiisa inuu ku jiifto nabad iyagoo taas sabab uga dhigaya inaad tihiin ilaaliyaashooda,” ayuu yiri taliyuhu.

Dhagarqabeyaal dil u geystay askari oo gacanta lagu dhigay


Ciidanka boliiska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Wadajir oo kaashanaya dadweynaha ku dhaqan degmadaaas ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan labo dhagarqabeyaal oo ka tirsan ururka dilaaga ah ee al-Shabaab kuwaasoo dil u geystay askari ka tirsan ciidanka amniga degmada.

Saraakiisha amniga iyo maamulka degmada ayaa saldhigga booliska ee degmada Wadajir ku soo bandhigay labadaan dhagarqabayaal ee ka tirsan al-Shabaaab kuwaasoo isu dayay in ay baxsadaan, hasa ahaatee ciidanka amniga ayaa ku guuleystay in ay mid dhaawacaan midna ay gacanta ku dhigaan.

Ku simaha guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka gobalka Banaadir mudane Ibraahim Cumar Mahadale ayaa goobtaas ugu mahad celiyay maamulka degmada iyo saraakiisha amniga howlgalkan ay ku guuleysteen.

“Cali Cabdullaahi wuxuu ahaa askari Soomaaliyeed, dalkiisa difaacaya, waajibkiisa gudanaya, runtii gacan ka xaq-daran ayaa dishay. Diinta sidey sheegtayna jannuu galayaa, kuwaanna cadaab ayey galayaan. Sababtoo ah nin aan aabbihiis dilin, xoola ka qabin, dhiiggiisa galin ayey banneysteen inay dileen. Adduunka cadaab ayay la kulmayaan, aakhirana cadaab ayay la kulmayaan.
 
Dadka degmada waxay xaq u leeyihiin inay nabad ku seexdaan, nabad ku soo kacaan,” ayuu yiri mudane Ibraahin Cumar Mahadale.
Wuxuu intaasi ku daray in ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay inaan iskaashadaan iyo in ay ka guuleysan karaan 40 carruur oo la marin habaabiyay oo ayna iska celin karaan haddii ay xog u soo gudbiyaan ciidammada amniga.
 

Al-Shabaab oo isaga cararay degmada Xarardheere

 

Ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay isaga baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliyeed.


Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta u sheegay in maleshiyaadka al-Shabaab ay isaga baxeen deegaannada Deeqlo iyo Maraale ee hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa caalamiga ay deegaannadaas duqeymo ka fuliyeen.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen, in ay halkaasi isaga carareen xubnihii Shabaabka ee joogay, kadib cabsi xoog leh oo soo wajahday. Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa intaasi ku daray, in deeganadaasi iminka ay yihiin kuwa cidlo ah oo aysan jirin cid joogta.


Al-Shabaab ayaa hadda ka hor waxay awood ku laheyd deegaannada hoostaga degmada Xarardheere halkaasoo ay ka abaabuli jireen weerarrada ay la beegsadaan shacabka Soomaaliyeed ee aan wax galabsan.


Awoodda milatari iyo tan dhaqaale ee ururka al-Shabaab ayaa waayahaan dambe aad loo wiiqay maaddaama ay howl-gallada ka dhanka ah ururkaas ay ka socdaan dhammaan goballada dalkeenna Soomaaliyeed.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…