Horjoogaha Alshabaab ee Degmada Jilib iyo Maleeshiyaad Xabsi loo taxaabay

Waxaa saaka Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Maleeshiyo ka wada tirsan Al shabaab uu ka dhacay duleedka degmadda Jilib gaar ahaan wadada isku xirta Bu’aalle iyo Jilib.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Garab ka tirsan Argagaxisada Al shabaab ay Jilib ku dileen Abuu Yoonis Al Misri oo u dhashay Dalka Masar iyagoo ku tuhmay inuu xiriir la leeyahay Argagaxisada Daacish, waxaana koox u badan Ajaaniib oo ka careysan dilkaasi ay saaka dagaal la galeen Maleeshiyadii weerarka geysatay.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa si hoose Warbaahinta ugu sheegay in Xaalada hada ay kacsan tahay, iyadoo Garabka Weerar ku qaaday Jilib ay xabsiga u taxaabeen 20-ka mid ah Dhagar qabayaasha Al shabaab oo ay ku jiraan Horjoogaha Degmada Jilib ee Argagaxisada iyo kuwa u qaabilsan Borobogandada iyo marin habaabinta Bulshada waxaana dhamaantood looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Argagaxisada Daacish.

Sanadkii 2013 Bishii June 30-keedii sidan oo kale waxaa bartamaha Degmadda Baraawe kooxda Al-Shabaab waaxda Amniyaadka oo ka amar qaadanayay markaa hogaamiyihii la dilay ee Axmed Godane ay dileen Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad (Macallin Cali) iyo Cabdixamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan (Macallin Burhaan) ragaan oo dilkooda bastolado loo adeegsaday xiliga salaadda cishe ayaa waxay isku dhaceen hogaamihii Al-Shabaab ee Godane.

Maleeshiyada Al shabaab ayaa caan ku ah khaarijinta Horjoogayaasheeda isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta, iyagoo isku khilaafa dhaca iyo dilka Shacabka Soomaaliyeed, waxayna taasi keentay in Shacabka ay fahmaan ujeedka dhagar qabayaasha oo ah inay gumaadaam dad aan waxba galabsan.
 

Howl-gallada ka dhan ah al-Shabaab oo ka socdaan dalka


Waxaa dalka Soomaliyeed dhammaantiisa ka socdaan howl-gallo ka dhan ah ururka dilaaga ah ee al-Shabaab kuwaasoo loola jeedo in ururka lagaga saaro dhammaan dalkeenna.

Dhawaaan Ciidammada Xoogga Dalka waxay Gobalka Mudug gaar ahaan degmada Xarar-dheere ka billaabeen howl-gal ka dhan ah ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab.

Dhowaanahan Gobolka Mudug waxaa ka jiray baaqyo iyo abaabul ku aadan sidii kooxda al-Shabaab looga saari lahaa degmada Xarar-dheere iyo deegaanada ku dhow, waxaana Ciidamada Xoogga Dalka ay doonayaan iney bulshada ka dulqaadaan dhibaatada ay ku hayaan maleeshiyada al-Shabaab.

Sidoo kale, howlgal lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisada ah ee al-Shabaab ayaa ka bilowday degmada Waajid iyo deegaano hoostaga, si meesha looga saaro haraadiga nabad-diidka al-Shabaab oo dhibaato ku haya shacabka ku nool gobolka Bakool.
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgaladan waday dhawaanahaanba, waxaana looga gol leeyahay in gobolka Bakool laga nadiifiyo al-Shabaab.

Dhanka kale, maamullada dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed waxay dhawaan isku af-garteen in la aasaaso ciidan wada-jir ah oo ka kala socdaan maamul-goboleedyada kuwaasoo tiradoodu gaareyso 1000 si looga hortago ururka xag-jirka ah ee al-Shabaab
 

Horjoogeyaasha al-Shabaab oo lagu laayay weerar cirka ah


Ururka diinta Islaameed ku been abuurtay ee al-Shabaab waxaa waayahaan dambe soo gaaray jab dhan milatari iyo mid dhaqaaleba iyadoo jabkii ugu dambeeyay uu yahay weerar duqeyn dhanka cirka ah kaasoo lagu laayay dhowr xubnood oo ka tirsan ururka oo ay ka mid yihiin horjoogeyaal sar-sare oo ka dhacay magaalada Beledweyne.


Weerarkaas kaddib waxaa lagu soo warramayaa in ururka dilaaga ah ee al-Shabaab uu u diiday dadweynaha inay ka baxaan ama soo galaan magaalada si ay u qariyaan khasaaraha iyo jabka weyn ee soo gaaray.


Degaanka Ceel-dheer ayaa waxaa maalmahan kulamo ku lahaa qaar ka mid ah horjoogayaasha al-Shabaab, iyadoo shirarkoodana ay ka war heleen dowladaha saaxiibbada la ah Soomaaliya, kuwaasoo Ciidanka Xoogga Dalka ka caawiya la dagaallanka al-Shabaab.


Degaankaan Ceel-Dheer ayaa ah halka ay al-Shabaab gaystaan Xoolaha ay ka dhacaan Dadka Shacabka ah ee ku nool Gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale, horjooge al-Shabaab ah oo ururka u xil-saarnaa uruurinta canshuurta sharci-darrada ah ayaa dhawaan lagu dilay gobalka Shabeellada Hoose.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…