Lix ka tirsanaa al-Shabaab oo lagu dilay tuulada Basra
Ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab, halka kuwa kaloo tira bandanna lagu dhaawacay dagaal Ciidammada Xogga Dalka Soomaaliyeed iyo nabad-diidka al-Shabaab ku dhex maray tuulada Basra ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Ilo lagu kalsoon yahay oo dagaalkaas wax ka og ayaa sheegay in ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab uu dad shacab ah oo aan waxba galabsan ku dhibaateeyay duleedka tuuladaas iyadoo ururku isu dayay inuu dadweynaha ku khasbo inay carruurtooda keenaan si ururku u askareeyo. Dadweynaha ayaa dagaal ku qaaday dhiig-cabtada al-Shabaab kaddib markii ururkaas ku khasbay inay carruurtooda ka qeyb-galaan dagaal-yahannadooda.
Dadweynaha Soomaaliyeed waxay sanooyinkii lasoo dhaafay heleen awood ay isaga difaacaan dhibaatooyinka ururka dilaaga ah ee al-Shabaab maaddaama ururka aad looga itaal dheeraaday, awooddiisa milatarina wiiqantay iyadoo six ad-dhaaf ah xubnaha al-Shabaab loo laayayo. Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay waayahaan dambe sare u qaadeen howl-gallada milatari ee ka dhan ah kooxda dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab.