Madaxda al-Shabaab oo qirtay ujeeddadooda ah laynta shacabka


Ururka dilaaga ah ee arxanka daran ee al-Shabaab iyo madaxdiisa ayaa caddeeyeen ujeeddadooda ah inay maalin walba daadiyaan dhiigga dadka rayidka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.


Warbixin uu ururkaas dilaaga ah kasoo saaray weerarradii ay maalmihii lasoo dhaafay la beegsanayeen shacabka ee ku sugan goobaha ganacsiga kuwaasoo dhimashada iyo dhaawaca ay sababeen gaarayaan ilaa 70 qof.


Kooxdaas diinta ku been abuuratay waxay baraheeda internet-ka ku sheegtay in weerarradaas dadkii lagu laayay dhammaan ay ahaayeen shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya laakiin sida la ogyahay dadkaas intooda badan waxay ahaayeen dad shacab ah oo masaakiin ah oo aan waxba galabsan.


Muddo bil gudaheed ah waxaa magaalo madaxda Soomaaliya ka dhacay ilaa 12 qarax oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac u geystay dad rayid ah, iyadoo sidoo kale qaraxyadaas sababeen burburka ganacsiyada dad badan oo aan waxba galabsan.


Meel ku dhaw isgoyska Dabka ayaa mid ka mid ah qaraxyada uu ka dhacay kaasoo loo adeegsaday gaari walxo qarxa ka buuxeen. Dadka weerarkaasi ismiidaaminta ah ku dhaawacmay ee la yaqaan waxaa ka mid ah Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ah Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed.


Todobaadkii ugu dambeeyay bisha Maarso keliya, ku dhawaad 10 qarax ayaa ka dhacay Muqdisho, dad ku dhaw 70 qof ayaana la sheegay inay ku dhinteen qaraxyadaas oo ay al-Shabaab fuliyeen. Marka in madaxda ururka al-Shabaab ay ku faanaan qaraxyadaan ay la beegsadeen shacabka Soomaaliyeed waa arrin lagu yaqaanno, waxayna haddana caddeyneysaa ujeeddadooda ah inay dadka rayidka iska laayaan.

Horjooge sare oo ka mid ah al-Shabaab oo nolosha lagu qabtay


Weerar qorshaysan oo Ciidamadu ka fuliyeen gobalka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo xiray horjooge sare oo ka mid ah dhagar-qabayaasha al-Shabaab ee u taagan daadinta dhiigga shacabka.


Howlgalka oo dhacay habeenimadii 26-dii Maarso ayaa ka dhacay deegaanka Jambaluul ka dib markii ciidamadu hareereeyeen goobtii uu joogay dhagar qabuhu. Ma jirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka iyo Ciidammada Qaranka hawl-galka lagu qabtay horjoogahaan.


Kooxda al-Shabaab waxaa soo gaaray jab weyn kaddib markii hoggaamiye sare oo lagu magacaabo Axmed Iimaan Cali oo ku magac dheer Abuu Zinira lagu dilay weerar dhanka cirka ah.


Waa tallaabo kale oo loo qaaday dhanka baadbaadada shacabka laguna kala dhantaalayo dambiilayaasha argagixisada ah ee ku mashquulsan waxyeelada Shacabka soomaaliyeed.
Sidoo kale, howl-gal ay Ciidammada Xoogga Dalka ka fuliyeen degmada Waajid ee Gobalka Bakool ayay ku weerareen fariisin ay al-Shabaab ku leeyihiin duleedka degmadaasi.
Shacabka ku dhaqan Waajid ayaa sheegay in khasaaro lixaad leh ay soo gaareen maleeshiyada al-Shabaab ee weerarka lagu qaaday.

Al-Shabaab oo sababay barakac ka dhacay degmada Qandala


Ururka dilaaga ah ee al-Shabaab wuxuu sababay in qoysas badan ay ka barakacaan degmada Qandala kaddib markii ururka uu si ula kac ah u go’doomiyo degmadaas.


Degaanka Dhaadaar iyo tuulooyinka ku teedsan oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari ee Puntland ayaa isgaarisiintu ka go’nayd mudo 21 cisho ah, kadib marki halkaas uu dagaal ku dhex maray ururada al-Shabaab iyo Daacish.


Malleeshiyaadka al-Shabaab ayaa la sheegaya in gooyeen waddooyin yar yar oo soo gala degaannada buuraleyda ah ee ay ku jiraan Afgaraar iyo Miiraale halkaasi oo bilihii u dambeeyay dagaallo qaraar ku dhex mareen labada dhinac.


Ururku ma uusan tix-gelin nolosha dadweynaha ku nool deegaannadaas uu go’doomiyay maaddaama go’doonkaas uu sababayo sicir barar baddeccooyinka nolol-maalmeedka iyo nolosha guud oo ciriiri gasho.


Dadka ku sugan degaanno ka durugsan dhulka labada kooxoood isku haystan ayaa soo sheegaya in dhawaqa rasaas culus maalmaha qaar laga maqlayo halkaasi. Ururka arxanka daran ee al-Shabaab wuxuu sidoo kale burbuuriyay isgaarsiinta degmooyinkaas.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…