Howl-gallada ka dhan ah Shabaab oo si xooggan u socdaan
Ciidamada Xoogga dalka ayaa wada howlgallo maleeshiyada argaggixisada al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada ayaa argaggixisada ilaa haatan kala wareegay meelo badan oo ay dadka ku dhibaateyn jireen iyagoona sidoo kale dilay maleeshiyaad badan halka kuwo kala dhaawaceen.
General Yuusuf Raage Odawaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ciidanku howlgalkooda ka dhan ah kooxda al-Shabaab sii socon doono tan iyo inta laga sifeynayo maleeshiyaadka al-Shabaab.
“Waxaan tageynaa insha Allah meelo badan oo kooxda al-Shabaab ku sugan yihiin, waxayna ciidamada qalabka sida diyaar u yihiin in ay kooxda ka sifeeyaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Sh/Hoose, waxaana jira qorshe ballaaran oo ka dhan ah al-Shabaab” ayuu yiri taliye Odawaa.