Ciidammo cusub oo la baxay magaca badbaado oo la aasaasay


Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay sii soconi doonaan howl-gallada ka dhan ah al-Shabaab ee dalkeenna lagaga saarayo ururkaasi xag-jirka ah.

Dowladdu waxay sheegtay in dhawaan la aasaasay ciidammo qeyb ka ah kuwa Xoogga Dalka kuwaasoo loogu magac-daray badbaado, una kala qeybsan labo kooxood oo la kala yiraahdo badbaado kow iyo badbaado laba. Dowladda Soomaaliyeed waxay ciidammadaas ku tilmaamtay kuwa al-Shabaab ka saari doonaan Goballada Labada Shabeelle.

Dowladda ayaa sheegtay in ay ka shaqeynayaan sidii Ciidanka Xoogga Dalka oo isku filan ay ula dagaallami lahaayeen ururka xag-jirka ee al-Shabaab, dalkana nabad uga dhigi lahaayeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa fariisimo ku leh Gobolada Shabeelaha hoose iyo dhexe, halkaasi oo ay ka fuliyaan weeraro ku dhifoo ka dhaqaaq ah oo ay ku qaadaan dadweynaha Soomaaliyeed ee aan hubeysneen.

Al-Shabaab waa cadowga dadka Soomaaliyeed waana la cirib-tiri doonaa


Tan iyo xilliyadii kooxda dhiig-cabtada ah ee nabad-diidka ah ee al-Shabaab ay ka aasaasmeen dalkeenna, waxay saldhigyo ka furteen deegaannada koonfurta Soomaaliya.


Waxaa dabeetana bilowdeen dagaallo ka dhan ah ururkaas xag-jirka ah ee diinta ku dhuunta, iyadoo weerarro lagu laayay hoggaamiyayaasha ururka, kuwaasoo uu ka mid ahaa Axmed Godane, lana burburiyay saldhigyadooda ilaa xad.


Duqeymadaas iyo weerarrada joogtada ah ee ay fulinayeen dowladda Soomaaliyeed iyo saaxiibbada la ah ee taageera waxay ku khasbeen in hoggaanka sare ee Shabaab ay u cararaan goballada bartamaha Soomaaliya sida Galgaduud iiyo Mudug.


Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarada al-Shabaab lagu qaaday maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegtay in weeraradaas ay iska kaashadeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka, waxaana lagu dilay ku dhowaad 100 ka tirsan Maleeshiyaadka al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare.


Dhinaca kale Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal ay khasaaro badan ku gaarsiiyeen Maleeshiyaadka Ururka al-Shabaab ka sameeyay Gobalka Shabeelaha Hoose, iyadoo in ilaa iyo 7 ka mid ahaa argagixisada al-Shabaab lagu laayay howlgalkaasi.


Dawladda Soomaaliyeed iyo Saaxiibadeed way sii wadayaan Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab oo ah cadaw u taagan Dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ,waana loogu gali doonaan God kasta oo ay isku qarinayaan.

Madaxa al-Shabaab ee Goballada Baay iyo Bakool oo lagu dilay deegaanka Yabaal


Sarkaal ururka al-Shabaab ka tirsanaa ayaa lagu dilay Gobolka Bakool, ka dib markii uu toogtay mid ka mid ah ilaaladiisa. Ninkan ayaa lagu dilay deegaanka Yabaal oo qiyaastii 25km u jirta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.


Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Macalin Jinow ayaa xilligaan ku magacawnaa Madaxa Jabhadda Al Shabaab ee Gobolada Baay & Bakool. Wararka ayaa sheegaya in dilka Macalin Jinow uu dhacay ka dib markii uu halkaasi ka bilowday dagaal u dhaxeeya ururka al-Shabaab iyo dadka ku dhaqan deegaankaas. Waxaa la sheegay in dadweynaha ay ka caroodeen xukun dil ahaa oo uu Macalin Jinow ku fuliyay mid ka mid ahaa dadweynaha ku dhaqan deegaankaas.


Sidoo kale, Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Lix Dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab waxay ku dileen meel u dhow degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan. Dilka maleeshiyaadkan ayaa yimid ka dib dagaal ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.


Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa aad u laba jibaaray howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab, iyadoo khasaaro badan lagu gaarsiiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee dhacay. Dhanka kale, Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe waday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Muqdisho.


Waxaa dhawaan sidoo kale Jubbada Dhexe lagu dilay in ka badan 15 ka mid ahaa Argagixisada al-Shabaab ka dib markii duqeyn lala beegsaday goob ay ku shirayeen ku dhowaad 30 ka tirsan horjoogayaasha argagixisada al-Shabaab.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…