Dibadbax looga soo horjeedo argagixisada Shabaab oo maanta ka dhacay Baydhabo

Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxi Soobe iyo falalka arxan darrada ah ee maleeshiyaadka Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.


Dibadbaxan ay ka qeybqaateen Kumanan dadweyne ah kuwaasoo socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi, waxeyna ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab.


Dibad Baxayaasha ayaa sheegay in xiligan la joogo wakhtigii loo midoobi lahaa la dagaalanka Al shabaab. waxaana Dhalinyarada Boroordiiqaysay ay wacad ay ku mareen  in ay u dhimandoonaan Difaaca dalkooda.


Ficillada waxuushnimada ah ee Al shabaab ay sameeyaan ayaa ah kuwo Marwalba Bulshada Soomaaliyeed ku abuura . Murugo . Balse Xasuuqan ka dhacey Soobe ayaa u muuqada mid mideynaya dareenka Ummadda Soomaaliyeed . madaama Shabaab ay u soo jeesteen daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee abriyada ah.

 
 

XDS oo dagaal ku dilay hoggaamiyeyaal al-Shabaab ka tirsanaa

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weerar ay ku qaadeen agagaarka degaanka Goof-gaduud ku dilay hoggaamiye-sare Sheekh Cabdi Yuusuf iyo dhawr nin oo kale oo ka mid ahaa hoggaamiye-dhexaadka kooxda al-Shabaab. 
Ciidamadu waxay kaloo halkaas ku dileen tobananeeyo maleeshiyada al-Shabaab ka tirsanaa, iyagoo hub badan oo ay maleeshiyadu wadatayna la wareegay. Kooxda dhiigyacabka ah ee al-Shabaab ayaa dhan kasta haatan laga hareereeyay, iyagoo in badan oo ka tirsani ay isku soo dhiibeen dowladda Soomaaliya.
Dilalka lala beegsanayo madaxda al-Shabaab ayaa sii kordhay waxii ka dambeeyay dilkii amiirkooda, Axmed Godane, oo horraantii sanadkan la dilay, taas oo niyadjab wey u keentay kooxda. Waxaa kaloo kooxda curyaamiyay dhaqaalo daro weyn kadib markii laga xorreeyay degaano badan, sida magaalada dekedda ah ee Baraawe, oo uu dakhli ka soo gali jiray, halkaas oo ka dhoofin jireen ama ka soo dejin jireen walxaha adduunka mamnuuca ka ah sida dhuxusha iyo daroogada.

Khilaafkii Axmed Cumar iyo Cali Dheere oo faraha ka sii baxay

Loolanka iyo isqabqabsigii ka dhaxeeyay Axmed Cumar iyo Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) oo ka mid ah ragga ugu sarreeya ururka al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in loo caal waayay oo uu faraha ka sii baxayo.

Cali Dheere ayaa Axmed Cumar ku eedeeyay in uu daba-dhilif u yahay dagaalyahannada ajnabiga ee al-Qaacida Soomaaliya ka jooga, isagoo wax kasta oo ay u baahdaan siiiya halka maleeshiyada degaanka ee al-Shabaab ay gaajo u dhimanayaan. Cali waxuu kaloo Cumar ku eedeeyay in uu lunsaday hantidii ururka al-Shabaab taas oo boqolaal malyan oo doolar lagu qiyaasay. Lacagtaas ayaa hoggaamiyihii hore ee al-Shabaab, Axmed Godane, waxuu ku aaminay Cumar si uu hawlaha ururka ugu furdaamiyo, balse Cumar waxuu lacagtaas u isticmaalay dano khaas ah, sida guursashada dumar badan iyo abaabulka caweysyo lagu tunto ama raaxeysto.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…