Ciidammada kumaandooska Gor-gor oo tababbar soo dhammeeyeen

 
Cutubyo ka tirsan kumaandooska Soomaliya ee Gorgor oo tababbar gaar ah ku soo qaateen dalka Turkiga, ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay cutubyadaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed ayaa xusay in XFS ay mudnaan gaar ah siisay dhismaha Ciidanka Xoogga.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise oo goobta kula hadlay ciidamadan ayaa xusay in door weyn ay ka qaadan doonaan dadaallada dowladdu dooneyso in ay ku xasiliso dalka, wuxuuna intaasi ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga dulqaadi lahaayen culeeyska ay ku hayaan argagixisada al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay mudnaan gaar ah siisay dhismaha ciidanka xoogga, isagoo intaa raaciyay in tababbarrada gaarka ah ee ciidamada ay ku soo qaataan dalka dibadiisa ay qeyb ka tahay joogtaynta xuquuqda ciidamada.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa xusay inay mudan yihiin in loo mahadceliyo ciidanka, maadaama naftooda ay u hureen Difaaca Qaranimada Soomaaliya, waxaana dowladdu ay dadaal xooggan galisay dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
 
 
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…