Carruurta Shabaab sida khasabka ah ku askareeyo iyo ka hortaggooda

 

Waxaa dhawaan howl-gal Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen gobalka Bakool ay kusoo furteen carruur aad u da’ yar kuwaasoo ururka araxanka daran ee al-Shabaab ay si khasab ah u askareeyeen.


Saraakiisha dowladda Soomaaliyeed ee degmada Xudur waxay sheegeen in carruurtaas tiradoodu gaareyso sagaal lagu heystay deegaanka Doodaali lana qabtay xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-jirow ee ka tirsan Gobollada Baay iyo Bakool.


Saraakiisha dowladda waxay tilmaameen in carruurtaasi inta badan si xoog ah looga qafaasho dhulalka miyiga ah ee dhammaan dalka.


Iyadoo dhawaan la xusay maalinta caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta, waxay dowladda Soomaaliyeed wacad ku martay ka hortagga askareynta carruurta.


Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sareeyo guuto Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in taliska xoogga ay ka go’antahay ka hortagga askareynta carruurta, isagoo intaa ku daray in argagixada al-Shabaab aan loogu dulqaadan doonin in carruurta ay si khasab ah ku askareeyaan, kana codsaday shacabka inay ku gacan siiyaan sidii loo soo  badbaadin lahaa carruurta sida khaldan ay u adeegsadaan maleeshiyaadka al-Shabaab.


Sidoo kale, Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed oo ayaa shaaciyay in dowladdu ay ka go’an tahay ka hortagga askareynta carruurta Soomaaliyeed.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…