Khilaaf cusub oo hoggaanka Shabaab ka dhigay labo qeybood

 

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay, khilaaf cusub ayaa ka dhex bilowday hoggaanka sare  ee ururka dilaaga ah ee al-Shabaab.


Khilaafkaan cusub, sida iluhu sheegayaan, wuxuu sababay inuu is casilo Muuse Macallin Mucaawiye oo ahaa madaxa amniyaadka al-Shabaab.


Waxaa la sheegay in Mucaawiye uu ka soo horjeeday amar dhawaan hoggaamiyaha al-Shabaab uu kaga saaray golaha fulinta Mahad Karaatey iyo Bashiir Qoorgaab.


Sida iluhu sheegayaan, waxaa amarkaas uu horaantii bishaan hoggaamiyaha Shabaab kaga saaray golaha fulinta ay sababtay in hoggaanka sare ee ururka dilaaga ah ay u kala qeybsamaan labo kooxood, koox kasoo horjeeddo amarkaas iyo kuwa raacsan.


Hoggaamiyahaan is casilay, waxaa la sheegay inuu raacsanaa kooxda amarka kasoo horjeedday ee garabka la ah Mahad Karaatey iyo Bashiir Qoorgaab.


Waa jab weyn oo soo wajahay kooxda ummadda Soomaaliyeed dhibaateyso ee al-Shabaab maaddaama ay ku heshiin la’ yihiin lacagaha baadda ah ee ay ka dhacaan shacabka Soomaaliyeed taasoo loo aaneynayo is ay tahay sababta guud ee khilaafka markii horayba sababtay.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…