Soomaaliya oo lacag abaal marin ah dul saartay 5 ka tirsan Shabaab

 
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada 5 xubnood oo ka mid ah ururka al-Shabaab, kuwaasoo iyaga oo maqan ay Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay 31-dii bishii Diseemba ee sanadkii tagay ee 2019, ku riday xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa’in.

Dowladda ayaa sheegtay in qofkii u soo gudbiya macluumaad la xariira ragan hay’adaha ammaanka dowladda la siin doono abaal-marin lacageed, taas oo aysan dowladda Soomaaliya sheegin cadadkeeda.

Xubnaha ka mid ah ururka al-Shabaab ee dowladdu shaacisay magacyada iyo sawiradooda, ayaa waxaa kamid ah; Ramadaan C/rixmaan Mursal, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun dil ah, Sharmarke Cumar Axmed, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun dil ah, Cabdiraxmaan Mustafe Sh. C/llaahi, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun dil ah, Cabdullaahi Kuusane, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun dil ah iyo Cabdinaasir Axmed C/qaadir, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun xabsi daa’in.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…