Al-Shabaab oo xayiraad ku soo rogtay degmada Luuq

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in kooxda dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab ay billaabeen inay degmadaas geliyaan xaalad go’doomin ah.


Ururka Al Shabaab ayaa Jimcihii maanta lagu arkay waddooyinka qaar ee soo gala Degmada Luuq, iyagoona dib uga celiyay gaadiid ganacsi u waday degmadaasi, sidoo kalena waxay dib u celiyeen gaadiidkii qaar ee caanaha keeni jiray degmadaasi.


Ururka dilaaga ah ee al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inuu xiray waddooyinka soo gala degmadaas, iyadoo wararku intaas ku darayaan in xubnaha arxanka daran ee ururkaas ay dib u celiyeen dhammaan gaadiidka badeecooyinka ee muhiimka u ah dhaq-dhaqaaqyada ganacsi.


Arrintaan uu al-Shabaab ku dhaqaaqay ayaa la sheegay inay timid kaddib markii maamulka degmada Luuq uu ka horyimid amar uu ururka kusoo rogay oday-dhaqameedyo inay tagaan goob uu ururka ka arrimiyo.


Ururka dilaaga ah ee al-Shabaab inta badan ma eego danta guud ee shacabka oo wuxuu doono ayuu iskaga dhaqaaqaa isagoon eegeyn wixii dan ugu jiro dadweynaha.


Ururkaas diinta islaanka ka been sheegay wuxuu hadda ka hor burburiyay waddooyin ku yaallaan gobalka bari kaddib markii uu dagaal dhex maray isaga iyo ururka ISIS, taasoo sababtay in degmooyin badan ay halkaas ku go’doomaan.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…