Duqeyn lagu dilay hoggaamiye sare iyo shaki ka dhex bilowday Shabaab

 
Duqeyn dhawaan ka dhacday duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa amniyaadka al-Shabaab iyo darawalkiisii, xilli ay ka bexeen degmada Jilib kuna wajahnaayeen deegaan kale oo hoos taga degmadaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraalkiil ka tirsan dowladda, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay geerida sarkaalkaas oo magaciisa lagu soo koobay Asad, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha ugu saameeynta badan qeybta amniyaadka ee al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in xubnaha al-Shabaab ee lagu dilay duqeynta dhawaan loo magacaabay amiirka guud ee amniiyaadka Al-Shabaab.

Warbixinta lagu xaqiijiyey dilka horjoogahaan ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey  inuu ka soo dagaalamay qaar ka mid ah waddamada caalamka, sida Afgaanistaan iyo Ciraaq.

Dhinaca kale wax yar uu ka dib markii ay dhacday duqeyntu ayaa xarun ku taal gudaha degmada Jilib oo shir ugu soo gaba gaboobay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa laga maqlay is-rasaaseyn xoog leh oo u dhaxaysay dagaalyahano ka wada tirsan Al-Shabaab, kadib markii sida la sheegay ay kala shakiyeen.

Duqenta iyo dilka horjoogahaan sare waxay dhalisay in xubnaha al-Shabaab ay dhexdooda iska shakiyaan iyadoo lagu soo warramayo in muddo yar kaddib markii duqeyntaasi dhacday ay xubnaha al-Shabaab dhexdooda is rasaaseeyaan kaddib markii ay kala shakiyeen.
Iska hor imaadkaas oo mudo socday ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa shan dagaalame oo uu ku jiro sarkaal goobta ku sugnaa oo la sheegay inuu al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka istiraatiijiyada xogta.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…