Howl-gallada lagu cirib-tirayo Shabaab oo socdaan


Guddoomiye ku xigeenka degmada Buulo burde Cismaan Geedi Cilmi oo la hadlay Wabaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallo maleeshiyada Al-shabaab looga xoraynayo deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ka baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan,isagoo xusay in wararkaas uu yahay dacaayad ay faafinayaan dad kasoo horjeedo dowladnimada.

Ugu dambayntii Guddoomiye ku xigeenka dagmada Buulo Burde Cismaan Geedi Cilmi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Qalabka sida, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyaadka argagaxisada ah ee al-Shabaab.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…