Kooxaha is abaabulay ee dagaalka kula jiraan Shabaab oo bateen

 
Waxaa waayahaan dambe aad u soo bateen ururrada ay xubnaha ka yihiin xoola-dhaqatada ku sugan goobaha uu ururka dilaaga ah ee al-Shabaab weli ka arrimiyo. Dadweynaha waxaa ku khasbay in ay la dagaallamaan ururkaan diinta Islaamka ka been sheegay, maaddaama ururkaas uu xoolohooda habeen iyo dharaarba iska boobo.

Dhawaan waxaa dagaal culus uu dhex maray urur ka kooban xoola-dhaqato iskooda isu abaabulay si ay isaga difaacaan dhaca iyo boobka joogtada ah ee ururka al-Shabaab uu ku hayo xoola-dhaqatadaas. Dagaalkaas wuxuu ka dhacay degmada Xudur ee gobalka Bakool ka dib markii xubno ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab ay si boob ah xoolo uga kaxeysteen xoola-dhaqato ku nool degmadaas.

Dadka Deegaanka ee is-abaabulay oo la baxay Cali Qaran ayaa Deegaanka Yab-Yab in Muddo ah ku dagaalamayey maleeshiyada baxsadka ah ee al-Shabaab, waxaana markii dambe ay nabad-diidka kasoo furteen xoolihii ay ka qaateen, iyadoo durba goobta ay gaareen Ciidamada Xooga Dalka oo u gurmaday dadka shacabka ah.

Ugaas Cali Dirir waxaa uu ka mid yahay abaabulayaasha deegaanka ee isku biirsaday in ay la dagaalamaan argagixisada si naftooda iyo maalkoodaba uga badbaadiyaan, wuxuna sheegey in ay diyaar u yihiin la dagaalanka cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Shacabkaan la baxay Cali Qaran oo la dagaalamaya cadowga Soomaaliyeed ayaa waxay u badan yuhiin dad da’ah oo ay ka go’antahay in ay dhiigooda u daadiyaan difaaca dadkooda, sharaftooda iyo dalkooda.

 “Waxaan u adkeysan weyney dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah oo ay noo geysanayaan maleeshiyada al-Shabaab, kadib waxaan go’aansannay in aan u hub uruursano oo aan la dagaalanno arintaasna waan ku guuleysannay,” ayuu yiri Cabdulaahi Aadan Maxamed oo ah taliyaha ururkaas dhawaan la aasaasay.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…