Al-Shabaab oo dhagartooda la gaddoontay

 

Afar ka tirsanaa ururka diinta Islaamka ku been abuurtay ee al-Shabaab ayaa ku dhinteen qarax ay u dhigayeen dadweynaha Muslimiinta ah ee ku sugan magaalada Lamu ee dalka Kenya inta ay ku guda jireen dhigitaanka qaraxaas.
Saddex ka mid ah afartaas dhagar-qabayaal ayaa ku dhinteen isla goobta ay ku aasayeen walxaha qarxa ee loo yaaqaanno IED ee waddada u dhow Buundada Kwa Omollo ee isku xirta magaalooyinka Booday iyo Bargoni. Kan afraad ayaa la sheegay inuu ku dhintay meel u jirto dhowr kiilomitir halka ay ku aasayeen walxaha qarxa.


Waxaa sidoo kale dhagartaas ku dhaawacmeen dhowr maleeshiyood oo ka tirsan ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab.
Dhanka kale, Ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ee AMISOM waxay dhawaan magaalada Beled-Aamiin ee Shabeellada Hoose ku qabteen dhagar-qabe ka tirsan ururka al-Shabaab kaasoo sitay 6 ah rimoodyada lagu qarxiyo bamka.


Warbixin ka soo baxday AMISOM ayaa lagu sheegay in rimoodyadaas loo adeegsado qarxinta bamyada ay maleeshiyada al-Shabaab ku aasaan waddooyinka muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha iyo burburinta gaadiidka xamuulka iyo in dhagar-qabayahaas lagu wareejiyay laamaha amniga ee Soomaaliyeed.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…