Maxaa kala haystaa al-Shabaab iyo dadka ka soo goostaan


Waxaa waayahaan dambe aad u bateen horjoogeyaasha al-Shabaab ee ka soo goostaan ururka nabad-diidka ah iyadoo dhawaan horjooge sare uu isu soo dhiibay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceelwaag ee gobolka Gedo.


Wararka ka imaanaya gobalkaas ayaa sheegayaan in dagaal culus uu ku dhex maray dagaallamayaal ka tirsan ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab iyo horjooge la sheegay inuu ka soo goostay ururkaas.


Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Buusaar iyo dagmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo haalkaas oo muddo saacado ah ku dagaalamayeen, iyadoo 2 argaggixiso ah ay ku geeriyootay dagaalka dhexmaray kooxdaasi.


Muddooyinkii dambe al-Shabaabka ugu badan ayaa waxaa ay isku dhiibayaan Ciidamada Xoogga ee ku sugan Gobalka Gedo iyo deegaanno kale.


Waxaa sidoo kale bateen ilaaqtanka, muranka iyo is-fahan la’aanta hoggaamiyeyaasha sare ee al-Shabaab iyadoo dhawaan lasoo tabiyay in hoggaamiyihii u xil-saarnaa falalka foosha xun ee ururka ka fuliyo dalalka Soomaaliya jiiraanka la ah ee lagu magacaabi Axmed Iimaan Cali.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…