Ciidammada SNA oo gurmad raashiin ah u geeyay dad macaluulusan

 
Ciidammada Kummaadoosta Soomaaliya ayaa mar kale gurmad raashiin ah gaarsiiyey shacabka masaakiinta ah ee ku sugan deegaannada Sabiid iyo Caanoole. Ciidanka DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tagay deegaannada Sabiid iyo Caanoole iyagoo gawaaridooda ku soo raray raashiin noocyo kala duwan ah oo ay ugu talo galeen in ay uga jawaabaan dhibaatada dhinaca nolosha ah ee ka jirta deegaanadii ay dhowaan sida xoogga ah uga saareen maleeshiyada itaalka daran ee al-Shabaab.

Taakuleyntaan oo ah tii labaad ayaa ujeedkeedu yahay in la badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee u baahan amniga iyo gurmadka, kuwaas oo sannado badan aanan helin gargaar sidaan oo kale ah, maadaam ay gummaad ku hayeen argagixisada al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa goobahaas laga furay goob caafimaad, maadaama ay ka muuqdeen haweenka iyo carruurta nafaqo-darro aad u ba’an, iyadoo lagu talo jiro in la abaabulo dugsiyo ama goobo waxbarasho kuwaasoo ay codsadeen dadka deegaanka.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…