Al-Shabaab goobaha laga saaro dhulka ayuu ku daraa


Ururka dilaaga ah ee diinta Islaamka ku been abuurtay ee al-Shabaab wuxuu had iyo jeerba muujiyaa inuu yahay cadowga ugu weyn ee maanta hortaagan nabadda, nolosha iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Tani waxaa laga ogaanayaa dilka iyo xasuuqa uu u geysto dadka shacabka ah ee aan dagaalka kula jirin isaga. Kooxdaan dhiig-cabtada ah, waxay mar allaale markii dagaallada looga itaal dheerado oo laga awood badiyo oo ay arkaan in goobtii ay horay u haysteen laga saarayo, waxay gabi ahaanba dab geliyaan oo ay gubaan guryaha dadka rayidka ah.

Ururku wuxuu falkaan foosha xun ka fuliyay tuulada Sabiid ee gobalka Shabeelaha Hoose kaddib markii lagaga awood badiyay dagaalladii lagaga saaray tuuladaas. Dabkaas waxaa la sheegay inay ku burbureen guryo badan oo hooy u ahaayeen dad waayeel ah iyo carruur da’ yar.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…