Niyad-jabka haysata Shabaab ee ku khasabtay is-dhiibka horjoogeeyaasha

 

Waayahaan dambe waxaa soo badanayaan tirada horjoogeyaasha al-Shabaab ee isu soo dhiibayaan dowladda Soomaaliyeed, iyadoo dhawaan labo horjoogeyaal oo ka tirsanaa ururka dilaaga ah ee al-Shabaab iyagoo muujiyay in aysan diyaar u aheyn in ay ka qeyb qaataan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.


Horjoogeyaashaan oo lagu magacaabo Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Goobbe) iyo Food Aadan Maxamuud waxay isu soo dhiibeen ciidammada dalka ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.

Sababta ugu weyn ee loo aaneynayo soo goosashadoodu ayaa ah duqeymada culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada al-Shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka keymaha gobollada Dalka, waxaana Raggaan lagu tilmaamaa in ay ka mid ahaayeen horjoogayaasha is qariya ee talada kooxda wax ka gooya, tanina waa farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada al-Shabaab.Waa arrin caddeyneysa sida ay u wiiqantay awoodda dhaqaale iyo tan milatari ee ururka al-Shabaab.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…