Xubnaha Alshabaab oo lagu qabtay Mukhaadaraad

 

Ciidammada booliiska Soomaaliya waxay howl-gallo ammaanka lagu sugayo oo laga fuliyay magaalada Muqdisho gacanta ku dhigeen dad gaaraya 81 qof kuwaasoo intooda badan looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka ummadda Soomaaliyeed nabadda u diiday ee al-Shabaab.


Boolisku waxaa kale oo uu sheegay in ay gudaha magaalada Muqdisho ka soo qabteen maandooriyaha xashiishka iyo dad ay sheegeen in ay ka ganacsanayeen.


Waxaa sidoo kale howl-galladaas lagu soo qabtay maandooriyaha xashiishka ee kooxda al-Shabaab ee diinta Islaanka ku been abuurtay ay ka ganacsanayeen.


Sida ay saraakiisha ciidammada sheegeen, waxay gacan ka heleen shacabka Soomaaliyeed ee ka daalay nabad-gelyo la’aanta ka jirto dalka ee uu ururka al-Shabaab ka wado dalkeenna. Ciidammada Booliiska waxay u mahad-celiyeen shacabka sida dhaw ula shaqeeyay ee suura-galiyay in natiijo laga gaaro howl-galladaas.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…