Habka uu al-Shabaab u askareeyo carruurta


12-ka bisha Febraayo ee sanadkaan, waxaa caalamka laga xusay Maalinta Caalamiga ee ka Hortagga Askareynta Carruurta si looga hortago askareynta carruurta.
Dalkeenna Soomaaliyeed waxaa si joogta ah ka dhacaan af-duubka carruurta da’ yarta kaasoo uu fuliyo ururka araxanka daran ee al-Shabaab si uu carruurtaas ugu khasbo inay ka qeyb galaan dagaalkiisa ku saleysan fikradaha gurracan ee xag-jirka ah. Ururku wuxuu sidoo kale u af-duubaa carruurtaas si ay u buuxiyaan tirada ciidammadiisa ee yaraatay ee sida xad-dhaafka ah loo laayay.
Bartamihii bishii Jannaayo ee sanadkaanna, ururka xag-jirka ah ee al-Shabaab wuxuu 60 carruur ah oo dugsiiley ah ka afduubay degmada Ceel-Garas ee gobalka Bakool si uu carruurtaas maskaxda uga beddelo uu dabeetana u adeegsado weerarrada ismiidaaminta ee uu u geysto ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Dabayaaqadii sanadka 2017-ka ayuu ururka al-Shabaab sare u qaaday af-duubka carruurta da’ iyadoo uu ku khasbay dadweynaha ku dhaqan goobaha uu weli ka arrimiyo inay dhiibaan carruurtooda si uu maskaxdooda u beddelo.
Wuxuu oday-dhaqameedyada iyo macallimiinta dugsiyada ee ku dhaqan miyiga ku khasbay inay dhiibaan carruur da’dooda dhan 8.
Wuxuu ururku dabeetana billaabayaa inuu carruurtaas maskaxda ka beddelo iyadoo ay aad u sahlan tahay in canug da’diisu tahay 8 jir la beddelo karo maskaxda oo laga buuxin karo fikrado gurracan oo xag-jir ah. Wuxuu ururku ugu dambeyntii carruurtaas u adeegsadaa weerarrada ismiidaaminta ee uu la beegsado dadweynaha Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…