85 ka tirsanaa al-Shabaab oo lagu laayay weerar


Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howl-gallo qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan gobalka Shabellada Hoose, waxaana howl-galkaasi lagu dilay ugu yaraan 85 ka tirsanaa ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab.


Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa howl-galka ka fuliyay degaannada Baladul Amiin iyo Hanti Wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee gobalka Shabellada Hoose.


Saraakiil ka tirsan kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in howl-gallada si wadajir ah looga fuliyay saldhigyo nabad-diidka al-Shabaab ay ku lahayeen degaanadaas.

 

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in saldhigyada laga fuliyay howlgalka lagu bartilmaameysaday xubno sare oo ka tirsan ururka laga itaal dheeraday ee nabad-diidka ah ee al-Shabaab.


Ku dhawaad 85 Maleyshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Soomaali iyo ajaanib ayaa lagu dilay howl-galladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kala duwan oo maleeshiyada al-Shabaab saldhigyo ku lahaayeen.


Dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab waa uu socdaa waxaana la filayaa in ururka ummadda Soomaaliyeed dhibaateeyay ee nabad-diidka ah ee al-Shabaab laga cirib-tiri doono dalkeenna Soomaaliyeed.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…