Howl-gallada ka dhan ah al-Shabaab oo ka socdaan dalka


Waxaa dalka Soomaliyeed dhammaantiisa ka socdaan howl-gallo ka dhan ah ururka dilaaga ah ee al-Shabaab kuwaasoo loola jeedo in ururka lagaga saaro dhammaan dalkeenna.

Dhawaaan Ciidammada Xoogga Dalka waxay Gobalka Mudug gaar ahaan degmada Xarar-dheere ka billaabeen howl-gal ka dhan ah ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab.

Dhowaanahan Gobolka Mudug waxaa ka jiray baaqyo iyo abaabul ku aadan sidii kooxda al-Shabaab looga saari lahaa degmada Xarar-dheere iyo deegaanada ku dhow, waxaana Ciidamada Xoogga Dalka ay doonayaan iney bulshada ka dulqaadaan dhibaatada ay ku hayaan maleeshiyada al-Shabaab.

Sidoo kale, howlgal lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisada ah ee al-Shabaab ayaa ka bilowday degmada Waajid iyo deegaano hoostaga, si meesha looga saaro haraadiga nabad-diidka al-Shabaab oo dhibaato ku haya shacabka ku nool gobolka Bakool.
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgaladan waday dhawaanahaanba, waxaana looga gol leeyahay in gobolka Bakool laga nadiifiyo al-Shabaab.

Dhanka kale, maamullada dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed waxay dhawaan isku af-garteen in la aasaaso ciidan wada-jir ah oo ka kala socdaan maamul-goboleedyada kuwaasoo tiradoodu gaareyso 1000 si looga hortago ururka xag-jirka ah ee al-Shabaab
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…