Boobka Shabaab u geysto shacabka ee uu ugu yeero Sakada

 
Ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab wuxuu bilooyinkii lasoo dhaafay kordhiyay canshuurta sharci-darrada ah ee uu ugu yeero sakada ee uu ka qaado ganacsatada ku sugan goobaha uu weli ka arrimiyo.
 
Dadka ka faallooda arrimaha amniga waxay sare u qaadkaan canshuurta u aaneynayaan iyadoo ururku soo wajaheen dhibaatooyin dhaqaale iyo jab guud oo dhan kasto ah.
 
Kooxda gacan-saarka la leh al-Qaacida ayaa lacagta waxay ka qaadaan; Gaadiidka isaga kala goosha gobolada dalka, xarumaha ganacsiga, sida hoteelada iyo dhowr meelood oo kale. Lacagaha ay Al-Shabaab qaado waxay isugu jiraan Canshuur, Zako iyo Zakaatul Maal, taasi oo marka laga hadlo cadadka lacagaha aad uga kala duwan heerarka ay kaga qaadato shaqsiyaadka ay beegsato.
 
Isla lacagahaan laga uruuriyay shacabka ayaa inta badan ururka wuxuu u adeegsadaa inuu ku dhibaateeyo dadweynaha oo uu ku fuliyo qaraxyada aan kala sooca laheyn ee uu u geysto ummadda iyo dhibaatooyinka kale ee ururka lagu qayaanno. Waxaase hubaal ah oo falanqeeyeyaasha arrimaha amniga ay sheegaan in lagu guda jiro gabbal-dhaca ururka dilaaga ah ee al-Shabaab maaddaama la xoojiyay la dagaallanka ururka iyo howl-gallada ka dhanka ah.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…