Magaalada Jamaame oo laga xoreeyay al-Shabaab


Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Jubbaland waxay magaalada Jamaame ee Jubbada Hoose ka saareen ururka al-Shabaab, iyadoo ummadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan farxad muujiyeen maaddaama laga xoreeyay dhibaatooyinka ururka ku hayah dadkaas.

Howl-galka lagaga saaray ururka degmada Jamaame wuxuu bilowday aroortii, waxayna Ciidammada Xoogga Dalka si buuxda ula wareegeen degmadaas iyo tuulooyinka hoos yimaada maamulka Jamaame.
 
Goobaha laga xoreeyay dhiig-cabtada al-Shabaab waxaa ka mid ah Bangini, Muufo, Mana iyo Koban kuwaas oo hoos yimaadaan Jamaame.

Ururka dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab waxaa laga saaray magaalooyinka waaweyn ee koonfur iyo bartamaha Soomaaliya sanadyadii lasoo dhaafay, waxaana hubaal ah in laga saari doono tuuloyinka faro-ku-tiriska ah ee weli ururku ka arrimiyo.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…