Warning: file_put_contents() has been disabled for security reasons in /home/xorriyo/public_html/libraries/joomla/filesystem/file.php on line 435
Xubnaha al-Shabaab oo kufsaday 14 haween ah

Xubnaha al-Shabaab oo kufsaday 14 haween ah


Ururka dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab wuxuu toddobaadkii lasoo dhaafay waddada u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baidhabo ku kufsaday ugu yaaraan 14 haween ah, sida ay sheegeen darawaliinta ka shaqeeyaan waddadaas. Falal kufsi ah, dhac iyo burburinta hantida dadweynaha aan waxba galabsan ayey soo sheegeen darawaliinta ka shaqeeyaan waddadaas. Darawaliintaas waxay ka cabanayaan is-baarooyin sharci-darro ah kuwaasoo ay dhigaan maleeshiyada al-Shabaab.

Sida ay sheegeen darawaliintaas, ururka dilaaga ah ee al-Shabaab wuxuu jir-dil iyo ciqaab u geystaa dadweynaha rakaabka ah ee u kala safra magaalooyinka Baidhabo iyo Muqdisho. Dadka rakaabka waxaa la sheegay in la iska bililiqeysto oo lacagahooda laga xoogo iyo in maleeshiyada al-Shabaab ay iska toogtaan dadka aan waxba galabsan taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac badan.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…