Al-Shabaab waxaa muhiim u ah faa’iidada ay dhaca ka helaan


Ururka xag-jirka ah ee al-Shabaab wuxuu sannad walba malaayiin doolar ka bililiqeystaa baayac-mushtartka Soomaaliyeeed ee ka shaqeystaan beecsharooyinka xalaasha ah ee dhammaan dalka Soomaaliya.


Baabuurta xamuulka ah ee sita badeecooyinka sida aadka ah looga bahan yahay goobaha ay abaarooyinka saameeyeen waxay maalin walba la kulmaan dhac ama canshuur aan macquul aheyn. Xubnihii hore ee al-Shabaab waxay sheegeen in lacagaha laga uruuriyo baaburta xamuulka iyo baabuurta kale ee rakaabka ee waddooyinka ugu waaweyn uu ururka ka helo ka helo kumannaan doolar maalin walbo. Qarammada Midoobay waxay sheegtay in hal isbaaro keliya oo ku taallo waddo weyn uu ururka ka helo 5000 oo doolar hashii maalinba.


Waxaa murug leh in badeecooyinka sida xad-dhaafka ah loo bililiqeysanayo ama la canshuurayo ay dhalineyso sicir-barar taasoo ay dhib ku tahay dadweynaha masaakiinta ah ee ay waxyeelleeyeen abaaraha iyo daadadka. Waddooyinka isku xira magaalada Muqdisho iyo gobalka Shabeellada iyaguna waxaa la sheegay inay ka jiraan canshuurta sharci-darrada ah balse haatan waxaa arrintaas ka hortageen ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed iyadoo ay goobahaas ka wadaan howl-gallo ka dhan ah ururka dhaca caadiyeystay ee al-Shabaab.


Ururka nolol iyo nabad-diidka ah ee al-Shabaab isaga waxaa muhiim u ah oo keliya faa’iidada uu ka helo dhaca uu dadka u geysto, diintana muhiim uma ahan.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…