Dhacdooyinka ka hor-tagga al-Shabaab oo aad u bateen


Ururka dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab waxaa lagu yaqaannaa inay si khasab ah ummadda Soomaaliyeed ee saboolka ah uga qaataan lacagahooda iyo xoolahooda. Ururka wuxuu si caadi ah u bililiqeystaa xoolaha iyo dukaammada ay leeyihiin dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka faro-ku-tiriska ah ee uu weli ka arrimiyo.

Dhacdooyinka xaq-darrada ah waxay ku khasbeen dadweynaha inay ka hortagaan xeerarka adage e ururku caadiyeystay waxayna go’aansadeen inay iska celiyaan sida sharci-darrada ah ee ururku doonayo inuu u kobciyo dhaqaalahiisa.Iska hor imaadyada u dhaxeeya dadweynaha xoola-dhaqatada ah iyo ururka ayaa waayahan dambe sare  u kaceen.

Labo asbuuc hadda ka hor, dadweynaha ku dhaqan tuulada Buq-Goosaar ee u dhow magalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan waxay dagaallo ku qaadeen ururka al-Shabaab iyagoo kasoo horjeedaan canshuurta xad-dhaafka ah ee sida xaq-darrada ah dadka looga uruurinayo halkaasoo ay ku dileen shan xubnood oo ka tirsanaa ururkaas. Sidoo kale dagaallo kuwaas la mid ah waxay ka dhaceen magaalada Maxaas ee gobalka Hiiraan kaddib markii ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab isu dayay inuu canshuur ka uruuriyo xoola-dhaqatada.

Daahir Muuse Cosoble, oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladaas wuxuu sheegay in dadweynaha xoola-dhaqatada ah oo kaashanayaan ciidammada dowladda Soomaaliyeed ay dagaal socday lix saacadood ku qaadeen ururka al-Shabaab.Sarkaallada dowladda eek u sugan magaalada Maxaas waxay xaqiijiyeen in dagaalladaasi dhaceen iyagoo sheegay in dowladdu caawisay dadweynahaas.
 
“Xoola-dhaqatada iyo dadweynaha ku dhaqan tuulooyinkaan, kuwaasoo iyaguba haystaan dhibaatooyin dhaqaale, oo xoolahoodii ku dhammaadeen abaartii dhawaan ka dhacday dalka, waxay diideen in la canshuuro taasoo dhalisay in dagaal uu halkaas ka bilowdo. Maaddaama aan dowladda wakiil u nahayna, waxaan ku khasbannahay inaan dadweyneheenna ka celinno argaggixisada al-Shabaab,” ayuu yiri mid ka mid ah sarkaallada dowladda. Dad badan oo ku dhaqan halkaas ayaa sheegeen in 12 ka tirsanaayeen ururka xukunka qalloocan ee al-Shabaab lagu dilay dagaalkaas.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…