Nin ka tirsanaa Shabaab oo xabsi daa’in lagu xukumay


Nin ka mid ahaa ururka dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab, kaasoo la aaminsan yahay inuu aqoon u leeyahay habka loo sammeeyo walxaha qarxa, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in iyadoo labo kaloo ka mid ahaayeen ururkaas lagu xukumay 10 sanoo xarig ah kaddib markii la xaqiijiyay in saddexdaas ka mid ahaayeen ururkaas nabad-diidka ah.


Maxkamad ayaa ku xukuntay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud xabsi daa’in halka Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan Weeraar lagu xukumay 10 sanoo xarig ah kaddib markii si toos ah loo xaqiijyay inay ka mid ahaayeen ururka al-Shabaab.


Xasan Cali Shute, oo ah garsooraha kiiska ayaa sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud lagu caddeeyay inuu ahaa madaxa koox u qaabilsan sameeynta walxaha qarxa.


Sida ay sheegayaan qorallada maxkamadda, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud – kasoo lagu xukumay xabsi daa’in – wuxuu tababbarro ku aaddan habka loo sameeyo walxaha qarxa siiyay Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan Weerar.
“Kaddib markii aan dib u eegnay caddeymada kiiska, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud waxaa lag

u xukumayaa xabsi daa’in, halka Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan Weerar kuwaasoo uu tababbaray eedeysanaha koobaad waxaa lagu xukumayaa 10 sanoo xarig ah,” ayuu xukumay garsooraha.


Saddexdaan nin waxaa qabteen sarkaallada amniga dalka Soomaaliya bilowgii bishaan xilli ay dhulka galinayeen walxaha qarxa. Ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab wuxuu door-biday inuu qaraxyo u geysto ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsanin ee ku dhaqan magaalada Muqdisho maaddaama laga saaray dhammaan magaalooyinka waaweyn oo ayna soo wajaheen xaalado adag dhanka dhaqaalaha.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…