Cirib-tirka ururka al-Shabaab oo muuqda


Falanqeeyeyaasha arrimaha amniga kuwa ugu sarreeya waxay aaminsan yihiin in ururka xag-jirka ah ee al-Shabaab uu si joogta ah hoos ugu sii dhacayo iyo in xilliga cirib-tirkooda uu aad u dhow yahay.
 
Ururkaas waxaa wiiqay ama daciifiyay iyadoo si xad-dhaaf ah dagaal-yahannadooda iyo hoggaamiyeyaasha ay uga soo goosteen ama uga soo baxeen iyo dagaallada culus ee joogtada ah ee ay ku hayaan ciidammada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
 
Dagaal-yahannadii hore ee al-Shabaab ee kusoo biiray dowladda Soomaaliya kuwaasoo dowladdu siisay cafis guud waxay sheegayaan in ay xaaladda ururku xun tahay iyo in ilaaqtan xooggan uu ka dhex jiro hoggaanka sare ee ururka.
 
Ururkaas dhiig-cabtada ah waxaa soo wajahay jab weyn iyadoo laga xoreeyay goobab badan oo ka tirsan dalka oo ay hadda ka hor xukumayeen haatanna ururku wuxuu kusoo haray tuulooyin tiradoodu kooban tahay.
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…