Taageerayaasha ururka Shabaab oo la qabqabtay


Wakaladaha amniga ee Soomaaliya waxay soo xirxireen dhowr qof oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada al-Shabaab iyo dhowr qofoo iyaguna la aaminsan yahay inay taageeraan ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab kaddib markii ay howl-gallo amniga lagu sugayo ka qabteen degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir.

Howl-galladaas waxaa la hirgaliyay kaddib markii ururka dhiib-cabtada ah ee al-Shabaab uu billaabay inuu si kadis ah waddooyinka ka taago isbaarooyin halkaasoo uu maalka shacabka Soomaaliyeed ku bililiqeysto. Ururka wuxuu sidoo kale fuliyay dilal lala beegsanayo shacabka Soomaaliyeed. 

Amni-darrada degmadaas ayaa sare u kacday, waxayse wakaaladda amniga qaranka dadweynaha u ballan qaadday in dhabar-jebinta ururka nabad-diidka ah ee al-Shabaab la sii wadi doono.

Wakaaladahaas waxay wacad ku mareen in howl-gallada lagu sugayo amniga la sii wadi doono ilaa lagu guuleysto cirib-tirka al-Shabaab.
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…